Col. Cumar nimaacle oo shacabka hamblayo u diray una jawaabay sheekh shariif

0
686

Hargeysa(Geeska)-Col. Cumar Maxamuud Nicmaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee haya taariikhda dhibaatooyinka Somaliland ka soo gaadhay midowgii lagu hungoobay, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyay sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Col. Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu shacabka ugu baaqay inay mar kasta heegan u ahaadaan ilaalinta xorriyadooda dhiigga lagu soo celiyay, “Shacabka Somaliland waxaan ku hambalyaynayaa sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland, waxaanan ku boorinayaa inay wada jir u ilaashadaan nabadgelyada iyo horumarka qarankooda oo aan xorriyadiisa si fudud lagu soo celin ee dhiig lagu soo celiyay.” Ayuu yidhi Cumar.

Col. Cumar, wuxuu jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ka jeediyay dhawaan golaha ammaanka, kaas oo uu ku yasay madaxbanaanida Somaliland isagoo sheegay inay reer Somaliland isku dayeen inay goostaan balse ay u suurtogeli weyday,  “Waxaan u sheegayaa umadda reer Somaliya labadaas kelmadood ee uu Shariif yidhi ee reer waqooyi iyo inay goostaan ayay isku dayeen, inay umadda reer Somaliland aad uga xuntahay, waxaanay u arkaan hadal doqoniimo ka tagay oo nin madaxweyne ahi ku hadlo aanay ahayn, waxaanse u sheegaynaa waar kala soconay ee aynu kala ceeb la’aano.” Ayuu yidhi Cumar Nimcaale.