“Qandaraaskii Madaarka Hargeysa Qaraabo Kiil Ayaa Lagu Bixiyay”

1
3686

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte),ayaa xukuumada ku dhaliilay inay qaraabo kiil ku bixisay qandaraaskii madaarka isla markaasna lagu fashilmay dhismaha madaarka Hargeysa.

Xildhibaanku waxa uu dhaliilay xeerka dhawaan golaha la hor geeyay ee cashuur kordhinta ah,waxaanu ku tilmaamay mid sharci daro ah, sida oo kale waxa uu xukuumada ku eedeeyay inay shirkado shidaal siisay ruqsado iyada oo aanu jirin xeerkii shidaalku.

Waxa uu sidan ku sheegay xildhibaan Rayte isaga oo ka hadlaayay xaflad ay ku soo dhaweeyeen xisbiga Wadani, isagoo ka soo laabtay dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi  “Inaga oo ogayn in dalku ku jiro godoon diblomaasiyaeed oo ay xukuumadani ina galisay,ayaynu hadana galnay go’doon dhaqdhaqaaq,waayo madaarkii sanadka iyo badhka la dhisaayay waxa la yidhi diyaaradahii loogu talo galay kama soo dagayaan madaarkii awalba diyaaraduhu inooga soo dagayeen ee weynaana waxa la yidhi dib u habayn ayaa laynoogu samaynayaa,dib u habayntu inay kan dhaami doonto iyo in kalena warba uma hayno.may ahayn in aynu hada ku baraarugno in madaarkii aynu sanadka iyo badhka sugaynay ee 4.5 milyan oo doolar uu ku baxday uu noqon waayo madaarkii aynu filaynay,maalintii qandaraaska la bixinaayay ayay ahayd in aynu nidhaahno waar maahee ka daaya,waayo yaa la siiyay qandaraaska? sidee loo baxiyay qandaraaska? dad badan waxay yidhaahdaan qabyaalad ayaa lagu bixiyay anigu qabyaalad uma haysto in lagu bixiyay ee qandaraaskii madaarka qaraabo kiil ayaa lagu bixiyay malaa haddii ay qabyaaladu jirto aniguba halkaas waan iska joogi lahaa,waxaan jeclahay dadka u aaneeya qabiilka khaladaadka xukuumada Siilaanyo in laga yaabo inay arintaasi isaga ay faa’ido u noqoto,ninka qandaraaska la siiyay waa shaqsi iska socday waxa la tartamaayey shirkado waaweyn oo awood dhaqale iyo xirfadeed leh oo madaaro soo dhisay oo la hayo diiwaankoodii ayaa tartanka ku jiray,waxay xukuumadu si aan sharci ahayn oo aan xaq ahayn ay u siisay nin kaligii mudh mudh leh. Waxaad maqlaysay wasiirka oo leh shirkad jayniis ah shirkadani jayna kama jirto,ninkan la siiyayna ganacsiga waa uu ku jiri jiray laakiin dhismayaasha kumuu jiri jirin madaaradana iskaba dhaaf maalintaas ayay ahayd bahalkan joojiya si xaq ah laguma bixine oo umadda dan uma aha. Madaarka jigjiga waan ka soo degay waxa wada dhisay 3.5 milyan doolar dhamaantii, halkan kordhinyar oo lagu samaynaayay dhabaha ayaa la leeyahay 4.5 milayan ayaa ku baxay. Waxaanu leenahay lacagta madaarka ku baxday waxan la dhisay maahee intii kale meeday.”

Xildhibaan Rayte oo  ka hadlaayay xeerka golaha horyaala ee cashuur kordhinta ay wasaarada madaxtooyadu ku dalbanaysay waxa uu yidhi “Waxaan wax yar ka odhanayaa xeerkan fadeexda ah ee golaha hor yaala ee cashuurta lagu saarayo xoolaha iyo baabuurta,wax allaale iyo waxii cashuur kordhin ah waa in ay ka turjuntaa siyaasada dawlada waxaana arinkaas bud-dhig u ah wasiirka maaliyada, ma garan karo sida uu wasiirka madaxtooyadu uu ku hindisay cashuur kordhin shaqadiisa iyo hawlahiisa toona maaha sharciyana waa qalad,oo waxay ahayd inay waxii cashuur la kordhinaayo ay ka soo unkanto wasaarada maaliyada oo ay cadahay oo siyaasada dawlada ay ka mid tahay. Dhismayaasha wadooyinka  Xukuumadu ma waxbay yeeshay mise waxbay u tartay lacagtii diyaarka ahyd ee EU-du ay bixisay waxa loo hakiyay markii haayadii madaxabanaanayd ee bulshadu ay ka qaybgalaysay ee beesha caalamku ay ku kolsoonayd dhex dhexaadnimadeeda   iyo la xisaabtankeeda markii la yidhi madaxtooyada ayaa la geeyay waliba wasiirka madaxtooyada ayay yidhaadeen lacagtayada meel aan ka arkayno ayaanu galinaa.”

Ugu danbayntii isaga xildhibaanku  dhaliilaya qaabka ay arimaha shidaalka u dhex gashay xukuumadu waxa uu yidhi “Dad baa been loo sheegay oo la yidhi shidaalbaa la soo saarayaa,shidaalku waa waxaynu u baahanahay oo dhulkeena inoo hoos hurda, aynuna kaga baxi lahayn faqriga,laakiin marka uu doono shidaalku habaar ayuu ku noqdaa umaddaha la soo baxa oo dalal badan ayuu ku noqday oo eeday shidaalkii ay soo saareen,saabtu waa maxay? waa marka shidaalka loo soo saaro qaab sharci daro ah ee shidaalka la qabyaaladeeyo la musuq maasuqo.keena maxaa ka qaldan? qaabka marka horeba loo baxiyay  ruqsadaha oo la siiyay shirkado halkan lagu soo sameeyay oo shandadaha lagu sito oo shirkadaha qaarkood markii aynu rusqada la siiyay iyo markii la aas aasayba bil ayaa u dhaxaysay, waxa lagu bixiyay musuqmaasuq oo waa cadaan.xeerkii macdanta iyo shidaalka wali dalka lama samayn dawladuna ma doonayso inay soo saarto waajibkuna iyada ayuu saarnaa.”

Comments are closed.