Imisa Dhagax Ayuu Madaxweyne Siilaanyo Soo Dhigay 4ta Gobal Ee Uu Tagay?

1
643

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu gelinkii dambe ee khamiistii ka soo guryo noqday safar qaatay shan caano maal, oo uu ugu maqnaa afar gobol oo kala ah Saaxil, Togdheer, Oodweyne iyo Hawd.

Waxyaabaha uu safarkani kaga duwanaa safaradii Madaxweynaha ee hore waxa ka mid ahaa, gobal kasta oo uu Madaxweyne Siilaanyo safar ku tagay wuxuu dhagax dhigay dhismayaal iyo mashaariic kala duwan, waxaanay dhagaxaantaasi soo jiiteen rayul caamka bulshada. Haddaba, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika, soo ururiyay tirada dhagaxaanta uu gobaladaas Madaxweynuhu dhigay iyo weliba gobal kasta dhagaxaanta uu dhigay.

Berbera, wuxuu Madaxweynuhu dhagax dhigay dhisme loo bilaabayo maktabad ay magaaladu yeelanayso, waxaana dhismahaas fulinaya dawladda hoose ee Berbera

Burco; wuxuu madaxweynuhu dhagax dhigay 7 mashruuc, oo kala ah

1. Dugsi hoose dhexe,

2. Dugsi sare,

3.  Dhabaha garoonka diyaaradaha ee Burco oo la kordhinayo,

4. Saldhig Boolis,

5. Dhul banaan oo guryo looga dhisayo dadka danyarta ah iyo

6, gooladda caanka ah ee Burco.

7. Waddo isku xidhaysa laba xaafadood oo Burco ah

Oodweyne: Wuxuu dhagax dhigay, laba mashruuc oo kala ah 1. Jeelka iyo 2. Bangi

Baligubadle: Wuxuu dhagax dhigay shan mashruuc oo iyaguna kala ah.

Guriga martida

Maxkamad

Saldhig

Jidka Hargeysa iyo Hawd

Wasaaradda beeraha ee gobalka

Sida muuqata, wuxuu wadar ahaan Madaxweynuhu dhagax dhigay afartaas gobal 15 mashruuc. 15-kaas mashruuc, qaar ka mid ah waxa dhisaya dawladaha hoose ee magaalooyinka gobalada, kwana dadka shacabka ah, qaarna waxa fulinaya hay’ado caalami ah, halka kuwo kalena laga sugayo inay xukuumadu fuliso. Waxaanay bulshadu u dheg taagaysaa sida loo fuliyo mashaariicdaas kala duwan ee uu Madaxweynuhu dhagax dhigay afartaas maalmood ee uu safarka ku maqnaa.

Ka sakow, dhagax dhigistan, wuxuu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismayaal iyo waddooyin ay dhiseen dawladaha hoose ee deegaanadu, halka uu sidoo kale xadhiga ka jaray waddooyin hore loo furay.

Comments are closed.