“Intii Aan Joogay Ruwanda Waxay Ii Qaabileen Sidii Wasiir Ka Socda Dal La Ictiraafsan Yahay, Waxaanay Ii….”

0
3601

 

sacadHargaysa( Geeska )- Wasiirka qorshaynta qaranka iyo horumarka  Dr.Sacad Cali Shire, ayaa ka xog waramay shirka dhaqaalaha Afrika oo uu kaga qaybgalay dalka Ruwaanda, sidii loogu qaabilay, waxyaabahii shirkaas lagaga hadlay iyo waliba kulamo kala duwan oo uu la qaatay hay’ado iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Sacad waxa uu  ku celceliyay in dalka Ruwaanda uu sameeyay horumar layaab leh, Somalilandna uu ku caawin karo khibradaas horumarineed ee uu sameeyay,  waxaanu sidan ku sheegay wasiirku xog waran gaar ah oo uu siiyaay wargayska Geeska Afrika. Waxaanu ugu horayntii isaga oo faah-faahin shirkaas ka bixinaaya uu yidhi “ Shirkaas waxa la yidhaadaa shirka dhaqaalaha ee Afrika, waana mid sanadle ah, waxaan filayaa kulankani inuu ahaa kii toddabaad ee la qabto, sanadkan waxa lagu qabtay dalka Ruwaanda, waxaana iska kaashaday qaban qaabadiisa Bangiga Horumarka ee Afrika, hay’ada UNDP iyo komishanka qaramada midoobay ee Afrika fadhigiisuna yahay magaalada Addis Ababa. Waxa shirka lagu marti qaaday dad faro badan oo jaamacadaha ka socda, kuwo madaxweyne’yaal ahaan jiray oo uu kamid ahaa madaxweynii hore ee Nayjeeriya, dawlada Ruwaanda oo dhan  ayaa ka soo qaybgashay waxaana furay madaxweynaheeda.”

Wasiir Sacad isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Shirku waxa uu ahaa mid lagaga hadlaayay waxyaabo la xidhiidha dhaqaalaha oo ay ka mid ahaayeen maalgalinta dhaqaalaha, maaraynta horumarka xiligan uu mashaakilka dhaqaale ka jiro adduunka, shaqo la’aanta. Markaas faa’idooyinka inoogu jiray waxay ahaayeen kulamo aynu la yeelanay dadkii yimi shirka oo uu ka mid ahaa wasiirka beeraha ee Koonfurta Sudan, Raysal wasaaraha Ruwaanda, waxaan soo marnay xafiiska cashuuraadka Ruwaanda iyo hay’ada horumarka ee Ruwaanda iyo waliba madaxdii ka socotay Baanka Horumarka Afrika.”

Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu ka hadlay horumar ka yaabiyay oo uu sheegay inuu Dalka Ruwaanda sameeyay, “ Waxaanu tagnay wadan runtii Ruwaanda la yidhaahdo oo sameeyay horumar runtii layaab leh oo wax badan lagaga dayan karo. Intii aan anigu joogay waxay ii qaabileen oo ay isoo dhaweeyeen sidii wasiir ka socda dal la ictiraafsan yahay, waxaanay ii dhameeyaan waxii la siin lahaa wasiir dal la aqoon san yahay ka socda,  gaadhi, ilaalo iyo waxyaabo kale. Runtiina  waa dal aan is leeyahay wax badan ayaad kaga dayan kartaan ama uu idin tari karaa, xaga waayo aragnimada horumarka.waxaana aniga wasiir ahaan I marti qaaday  hay’ada UNDP, reer Ruwaandana waxay ii qaabileen wasiir ahaan.”

Shirkan ayaa uu wasiirku ku tilmaamay mid Somaliland qiimo u samaynaya, marka la eego ka qayb-galka shirkaas, hab maamuuska iyo waliba khibrada dhanka horumarka ah ee ka jirta dalka Ruwaanda.