Wasiiro Ka Qayb Galay Xaflad Uu Isku Sharaxay Maayar Xigeenka Burco

0
581

 

 

Burco(Geeska)–Maayar Kuxigeenkii Magaaada Burco Axmed Cabdi Falay ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu  Mar labaad u tartamidoono  Golaha Degaanka Burco isla markaana iska sharaxay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Maayir ku xigeenka degmadda Burco ayaa sidaasi ku sheegay Xaflad laysku arkay oo ay kasoo qaybgaleen wasiiro ay ka Mid yihiin Wasiirka Wasaarada Macdantaiyo Biyaha Xuseen Cali Ducaale Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed Madaxda Gobolka ,salaadiin iyo marti sharaf kale oo loo sameeyay musharaxnimadiisa ,taasi oo ka dhacday Hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshedaha Cabdi risaaq Khaliif Axmed Xafladaas ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa; " Qiimaha uu Xisbiga ugu fadhiyo Axmed Cabdi Jamaac waxa ka tarjumaysa Madaxda heer qaran ee halkan fadhiya ee masaafada aad ogtihiin Xalay hargaysa qaar u hoydeen ee intaas soo socday Taasi waxay ka tarjumaysaa Xubin nimadiisa,waxaanan filayaa in qiimayntii aanu hada qiimanaynay aanaan ku madiyoobin ee halkan ay ka muuqato qiimqhq uu Gobolkan ku leeyahay,waad ogtihiin dawlada dhexe Xisbiga Kulmiye wuu la wareegay laakiin dawladihii hoose oo ahayd meesha waxqabadka dhabta ahi ka hirgali lahaa waxay ka dhisnaayeen Xisbi kale taasina caqabad bay ku noqotay,waxaanuna rajaynaynaa inaad intaas dhiman Buuxisaan,waxaanu wasiir Cabdi Risaaq hadalkiisii ku soo gabagabeeyay waxaanu marti idiinka nahay inaad Codka na siisaan.

Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo isna halkaas Hadal kooban ka Jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in in uuMaayar ku Xigeenku yahay nin Culus oo heer qaran laga yaqan ee aanu hayn nin degmadan uun ku kooban oo khibrad badan u leh,Waxaanu sheegay wasiirku inay wasaaradiisu waxa badan qabatay isagoo timaamay in kuwa dhaliilaya ee leh Bucro waxba lagama qodin ay yihiin kuwo habaabay oo meelkale tegay.

Maayar ku Xigeenka ahna Musharaxa Axmed Cabdi Jaamac (Falay) ayaa isagu hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in uu markii hore aanu sharaxnayn ee Xisbigu ka maarmi waayay,waxaanu sheegay in wax badan uu soo qabtay wax kalena uu ku rajo waynyahay inuu qabto.

Badhaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu mudadii uu Xilka hayay uu wax badan Gobolka laga qabtay