Sheekh Axmed Madoobe Oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamul goboledka Jubaland

1
531

Kismayo(Geeska) –Ergada ka qayb gashay shirka maamul u samaynta gobalada Jubooyinka ee dalka Somaliya, ayaa shalay doortay madaxweynaha maamulkaas oo loodoortay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirkaas oo muddo ka socday magaalada Kismaayo, ayaa waxa murashixiinta madaxweynaha u tartamaysay ay kala ahaayeen Musharax Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax  Max’ed Nuur Shambaar, Musharax Hilowle Aadan Muxumed.

Labadan musharax ee la tartameeysay Sheekh Axmed Madoobe ayaa inta aan codka la qaadin ka hor qudbado ay ka jeeediyeen goobta uu shirku ka dhacayay ka sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Axmed Madoobe, waxaana sidaas madaxweynaha maamulkaas loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe.

Dawladda Somaliya, ayaa hore u sheegtay inaanay aqbali doonin natiijada shirkaas ka soo baxday oo ay sheegtay inuu yahay mid ka soo horjeeda distoorka Somaliya.

Comments are closed.