“Djibouti Waan Tagay, Waxaanan La Kulmay Madaxweynaha, Raysalwasaraha Iyo Intii….”

1
2397

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixdagaal-oogei Cabdi, ayaa shalay ka soo laabtay safar uu maalmo ugu maqnaa dalka Djibouti.

 

Muuse Biixi, oo markii uu Hargeysa ka soo degay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi “Jabuuti waan tagay socdaal yar oo gaaban ayuu ahaa dee anigu xukumaada ma ihi oo magaalo booqasho rasmiya iyo hawlaha rasmiga ah xukumaada ayaa inoo qaabilsan, laakiin hawlo xisbi ayaan u tagay madaxadii Jabuutina waan is aragnay hawlahaan iska aragnayna aad bay u fiicnaayeen Jabuutina waa dal aynu wax walba isku nahay to,l walaalnimo,Somalinimo, Saaxibtinimo iyo Jaar  oo intii laysu yahayba aynu isku nahay markaa waa dalkeenii uun, si wacan baan u kulanay aad iyo aad ayay u wanaagsanaayeen nimankaasu, niman wanaag inala  raba dhibteenana neceb aadna inoogu ducaynaya wixii ay inala qaban karaana diyaar inoola ah ayay ahaayeen.”

Isagoo ka hadlaya masuuliyiinta uu la kulmay iyo dareenkooda wuxuu yidhi  “Waxaan la kulmay madaxwaynihii, raysal wasaarahii iyo intii ka hoosaysay oo dhan, qodabo badna oo dalka u dana ayaan ka wada hadalnay sidaad ogtahiin madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waa ninka qudha ee Somali maanta madaxwynahaa ee xogagaal u ah mandaqada oo dhibta Somalida haystaa ay haysato oo dhibta adiga ku haysataa ay isaga haysato oo labaatankaas sanadood ee aad dhibanayd isna kula dhiban jacelna wanaaga iyo siday wax u horumaryaan markaa markastoo lakulmo waxii laga wada hadlaa waa waxii dana, markaas isaga ( Ismaaciil Cumar Geele ) raysal wasaaraha, Cali Cabdi oo wasiir mar ahaa oo imka siyaasi  wayna oo labada dal dadka aadka isugu xidha kamida rag badan oo kale oo wasiiro ah, nimankaasi aad iyo aad wanaageena  niman u u jecel weeye, waxii la la wada qabsanayo iyo waxii la horu marinayana u diyaarbaay ahaayeen.”

Comments are closed.