Wajaale: Wiil Yar Oo Ku Dhashay Bilaa Diir, Hooyada Dhashay Oo La Cadiban Iyo Bisadaha Oo Looga Taag La’yahay

0
1920

 

Tog-Wajaale(Geeska)-Ilmo yar oo jira Sideed bilood Magaciisuna yahay Cabdi-Khadar Caduur ayaa, ku dhashey bilaa dub  ama isagoon lahayn maqaarka sare ee jidhka  kaas oo hooyada dhashey oo Magaceeda la yidhaahdo Siraad Cumar ay la cadiban tahey tan iyo Markii uu ku dhashey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

yarkaSida uu ku soo waramay weriye Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan oo ah saxafi ku sugan magaaladaas, Ilmahan yar oo ay Hooyada dhashey khaati uga taagan tahay Xayawaanka ay kamidka yihiin bisaaka iyo jiirka kaas maadaama oo uu  dhiigayo afar iyo labaatanka saacadood islamarkaana had iyo goor ooyaya.

 

Hooyada ilmahan dhashey oo u warantey Wargeyska Geeska Afrikaayaa, sheegtey in aanay ka seexanin habeen iyo maalin iyadoo ka ilaalinaysa Xayawaankaas  bisadaha iyo jiirka, iyo waliba oohintiisa aan kala joogsiga laheyn ee damqashada jidhkiisa maadaama oo aanu lahayn maqaarka oo ah difaaca jidhka, waxaanay Hooyadani faafaahin ka bixisay in ay dhawaan u heshay daawo la siiyo toban Dollar oo ah dhiiqo taas, oo ay mariso jidhkiisa islamarkaana, muddo kusiman habeen ka joojisa dhiiga ka soo yaacaya jidhkiisa, dawadaas oo ay qiimaheeda ku sheegtay, (toban-dollar), waxayna dawadani ku dhamaataa hal maalin, iyadoo bishii marka la isku daro noqonaysa saddex boqol oo lacagata Mareykanka ah.

Bulshada  ku sugan Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa iyaguna ka deyriyay xaalada Caafimaad ee Wiilkan yar, oo ka dhashey qoys sabool ah. "Ilmahan yar,  dhibaatad haysataa waa mid ay dhamaan Hooyooyinka kunool Magaalada Tog-Wajaale aad uga damqadaan isaga iyo hooyadii, waana mid si joogto ah usoo taagneyd aabihiina waa xanuunsanayaa, illaahay ayaa ku eegaya Ganacsatada,Maamulka.

Tog-Wajaale, dadweynaha, iyo dhamaan umada islaamka ah ee kunool Magaaladan, runtiina ma awoodaan daawada ku baxda jidhkiisa. Haweenka ayaa ayaa had iyo jeer aad uga naxa dhibaatada ilamahn yar"Sidaa waxa tidhi ilhaan   Cabdi Sheekh,oo kamid hooyooyinka kunool Magaalada.

Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa lagu arakey marar badan caruuro ku dhashey arimo mucjiso oo qaarkood u geeriyoodeen, waxaanay dadka qaarkii dhibaatadaas waxa ka saaraan taawarada shirkadaha Isgaadhsiinta oo aad ugu badan magaaladaas.