Cali-Sanyare Oo Sabtidii Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
605

 

Hargaysa( Geeska )-Wasiirkii hore ee wasaarada  qorshaynta qaranka xukumaadii Daahir Riyaale, Cali Ibraahin Maxamed ( Cali sanyare ) ayaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha ee magaalda Hargaysa.

Cali Sanye oo ka hor intii aanay bilaabin ololihii doorashadii madaxtooyada ee dhacday 26 June, 2010 arrimo caafimaad dibadda ugu baxay,  ayaa si way loogu soo dhaweeyay magaalda Hargaysa, waxana soo dhawasyntiisa ka qayb qaatay wasiiro ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee dulista Cali Maxamed warancade, wasiirkii hore ee hawlaha guud Saciid Sulub Maxamed,  gudoomiye Fayasal Cali waraabe, Suldaano tiro badan oo uu kamid ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo dadweyne tiro badanaa oo luxayay calanka Somaliland iyo sawirka Calisanyare.

Hadal kooban oo uu warbaahinta ku siiyay qolka nasashada ee gagidada diyaaradaha ee Cigaal Wasiirkii hore ee qorshaynta Cali Ibraahin Maxamed ( Cali Sanyar) waxa uu ku sheegay in xaaldiisa caafimaad ay haatan aad u wanaagsantahay isla markaasan waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dadkii soo dhawayntiisa ka qaybqaatay, waxaana hadaladiisa kamid hayaa “ Waxaan u mahad naqayaa dadkii faraha badnaa ee markii aan bukooday iiso diray farriimaha badan ee iina soo ducaynayay in illaahaay markasta igu hooyo oo igu nabadkeeno, kuwaas oo ahaa dad badan oo reer Somaliland ah iyo dadbadna oo caalamka ka tirsan, waxaan si gaara ugu mahad naqayaa dad waynahan faraha badan leh ee igu soo dhaweeyay imaatinkayga magaalada Hargaysa, taasi waxa ay sheegaysaa in qofku markuu leeyahay dal wanaagsan iyo dad wanaagsan in si fiican  loo soo dhawaynayo.” Ayaa uu yidhi Cali sanyare waxaanu intaas sii rraaciyay “ Waxaan idin sheegaa in aan soo noqday anigoo caafimaad qaba oo caafimaadkayguna uu boqolkiiba boqol yahay oo illaahay mahadiise aan imika dalkii hooyo ku soo noqday si hawlihii faraa badnaa ee loo baahnaa in aan ka qayb qaato ee ahayd hawlaha lagu horumarinayo dalka,  maanta waxa ay ila tahay wax badan idiima sheegi karo lakiin waxay ila tahay mardanbe markaan yara nasto ayaan wada hadli doonaa, laakiin maanta waa mahadnaq aan u mahad naqaayo dadkan yimid iyo dadkii ducada badan ii soo diray halkana waxa socda dadkii Somaliland Salaadiin ha ahaato, cuqaal ah ahaato, wasiiro horre ha ahaato iyo wasiirada cusuba markaa aad ayaan ugu mahad naqayaa shacbiga iyo dalka iyo dadka iyo xukumaada Somalilandba soo dhawaynta ay nasoo dhaweeyeen”

Intaas kadib waxa ay gawaadhi tiro badan u soo galbiyeen wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka Calisanhyar gudaha magaalada, iyagoo ugu dambayna ku hooyay gurigiisa.