Koonfur Afrika Oo Mamnuucday Alaabada Lagu Sameeyo Dhulka Yuhuuda Lagu Deegaameeyay

0
423

south-africa3Pretoria (Geeska/The JPost)- Golaha wasiirada Koonfur Afrika ayaa shalay ansixiyey qorshe lagu mamnuucayo inaan alaabooyinka lagu sameeyo dhulka lagu deegaameeyey Yuhuuda lagu soo qoro ‘Waxa lagu sameeyey Israil."

 

Ansixintan xukuumada ayaa imanaysa sadex bilood ka dib, markii qorshahan la shaaciyey, inkastoo dhaleecayn badan kaga timi Yhuuda degan Koonfur Afrika, iyo ururada u ololeeya Yuhuuda ee dalkaas degan.

Qorshaha golaha wasiiradu ansixiyey ayaa u dhignaa, "Waxa la ansixiyey sida uu dhigayo shuruudaha ogeysiiska ee xeerka ilaalinta macaamiishu ee wasaarada Ganacsiga iyo Wershaduhu soo saartay inaan dhamaan alaabooyinka lagu sameeyo dhulka lagu deegaameeyey Yuhuuda ee Israil, aan lagu soo qorin ‘Waxa lagu sameeyey Israil’, si loo ilaaliyo inaan macaamiishu u rumaysan in lagu sameeyey Israil. Qorshahan ayaa loo cuskaday mowqifka xukuumada Koonfur Afrika ee aqoonsiga xuduudahii 1948, ee Qaramada Midoobay jeexday, isla markaana u aqoonsanayn dhulka la deegaameeyey Yuhuuda ee ka baxsan xuduudkaa inay tahay qeyb dalka Israil ka tirsan."

Go’aankan oo ka soo baxay golaha wasiirada Koonfur Afrika, ayaa sidoo kale lagu sheegay ‘Muhiimada’ Koonfur Afrika ee ka qeybgalka shirka dhowaan dhici doona ee Wadamada dhexdhexaadka ah ku yeelan doonaan dalka Iran.

Qaramada Midoobay ayaa weligeed jeexin xuduudaha sannadkii 1848, markaa ma cada in Koonfur Afrika sheegayso qorshahii  kala qeybinta Qaramada Midoobay ee 1947, ama kii sannadkii 1949 ee  Armistice Lines.

Avrom Krengel, oo ah gudoomiyaha ururka Yuhuuda Koonfur Afrika ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Yhuuda dalkani “La yaabeen’ go’aanka golaha wasiirada.  "Soo saarista go’aankani waxuu tilmaamayaa in la maran-habaabiyey, isla markaana aanay keliya xukuumadu indhaha ka qarsan in qorshahan laga wada xaajoodo, balse, isu dhigtay mid aan qiimaynayn dareenka Yhuuda," ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey in shacabka Yuhuuda laga xaqiray “Fursad kastoo” ay ugu cadeeyaan xukuumada  mowqifka ay ka taagan yihii arrinkaa.