Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Ee Is Casilay Oo Sheegay In Shaqo Ka Tagistiisu Aanay La Xidhiidhin Lascanod Ee Ay Shaqadiisa Ku Xidhiidhsantahay

0
543

calasHargaysa( Geeska )-Abaanduulaha ciidamada qaranka Somaliland Col. Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo Madaxweyne Siilaanyo khamiistii u gudbiyay warqad istiqaalad ah, ayaa sheegay in shaqo ka tagistiisu aanay la xidhiidhin arrimaha magaalada Lascanod.

Abaandule Cabdillaahi, oo aanu Madaxweynuhu weli ka aqbalin istiqaaladda uu u gudbiyay, ayay is casilaadiisu keentay su’aalo kala duwan, waxaanay dadka qaar ku xidhiidhiyeen xaaladda magaalada Lascanod, ka dib markii ay shaqo ka tagistiisu ku soo beegantay maalmihii la xidhay maayarka Lascanod iyo ku xigeenkiisa oo iyaguna markii xabsiga laga soo daayay shaqadii iska casilay. Hase yeeshe Abaanduulaha oo  uu Wargeyska Geeska Afrika xalay si kooban ula hadlay ayaa sheegay in is casilaadiisu la xidhiidho arrimaha shaqadiisa. Mar la weydiiyay in laga aqbalay iscasilaadda iyo in kale, wuxuu yidhi  “Wali wax jawaab ah ma hayo.” 

Intaas ka dib wuxuu Wargeysku su’aalay, sababta uu isku casilay iyo in iscasilaadiisu la xidhiidho dhibaatooyinka ka taagan Laasacaanood, waxaanu ku  jawaabay “Taas ka warami maayo, arimaha Laasacaanoodna shaqaba kuma laha ee waa arimo kale oo shaqadayda la xidhiidha.”

Madaxtooyada Somaliland oo uu Wargeysku isku dayay inuu wax ka weydiiyo in madaxweynuhu aqbalay ama uu diiday is casilaadda abaanduulaha ciidamada qaranka, ayaanay noo suurtogelin. Laakiin wuxuu Madaxweynuhu masuulkan magacaabay bishii Feebarwari ee sannadkan, markaas oo uu xilkii ka qaaday abaanduulihii hore iyo taliyihii hore ee ciidamada qaranka.