Yusuf Ismaciil Cumar Oo Loo Magacaabay Guddomiyaha Maxkamda Sare Ee Dalka

0
746

 

maxakamadaHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay si rasmi ah ugu magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare inuu noqdo Md. Yuusuf Ismaaciil Cali.

Yuusuf oo muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha garsoorka, waxa uu noqonayaa masuul ay horyaalaan caqabado kala duwan oo ku gedaaman hawlaha garsoor ee dalka, kuwaas oo laga doonayo inuu si hufan wax uga qabto, waxaanay magacaabistiisu ku soo beegmaysaa xilli ay dadku aad u hadal hayaan hagaajinta hawlaha garsoorka islamarkaana uu Madaxweynuhu dhawaan si cad u sheegay in cadaalad darro baahsani ay dalka ka jirto. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo, qoraalka uu shalay ku magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu ku sheegay in Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, yahay masuul ka soo bixi kara hawsha guddoomiyaha maxkamadda sare.

Qoraalka uu Madaxweynuhu ku magacaabay guddoomiyaha Maxkamada sare oo uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta [shalay] Digreeto Madaxweyne ku magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:              Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu  Arkay:                         

 Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu  Tixgeliyey:                   

Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,

Markuu  Aqoonsaday:              

Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,

Markuu ku  Qancay:                  

Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Isku Qanciyey:             In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”