Youtube Oo 125 Dal U Suurtagelinaya In Fiidyowyada Lagu Soo Degisan Karo, Laguna Daawan Karo Internet La’aan

0
1008

Washington (Geeska)- Shirkadda Youtube ayaa soo bandhigtay suurtagalnimada in fiidyawyada laga soo dejisto shabakaddan si loo daawado mar dambe oo aan internet ka la isticmaalayn. Habkan ayaa markii ugu horreysay sannadkii 2014 kii laga bilaabay dalka Hindiya, laakiin si tartiib tartiib ah ayaa ay shirkaddu saddexdii sano ee u dambeeyey adeeggeedan ugu fidinaysay meelo kala duwan oo dunida ah.

Maanta 125 waddan oo dunida ah ayaa marka uu qofku Youtube galo, waxa uu arkayaa batam yar oo xagga hoose ka muuqda oo u ogolaanaya in uu soo dejisto waxa uu daawanayo. Waxa ay shirkaddu si gaar ah adeeggan u siisay dalalka uu ku yar yahay ama daciif yahay internet-ku, laakiin weli shirkaddu si furan uma ay sii wada deynin adeegga.

Dhinaca kalana waxa uu adeeggani illaa imika ku shaqaynayaa keliya talefanka gacanta, laakiin lagama isticmaali karo kombiyuutarrada, waxa kale oo xusid mudan in fiidyowga uu qofku habkan ku soo dejistaa ay shaqaynayaan 48 saac oo keliya, waa haddii aanu qofku muddadaas gudaheeda internet helin. Waxa kale oo intaas dheer in fiidyowyada qaarkood aanay illaa hadda ku shaqaynayn habkan soo dejinta, haddii aanu qofku isticmaalayn internet.

Batamka ay shabakadda youtube soo kordhisay si looga soo dejisto fiidyowyada, ayaa marka aad gujiso ee uu dhammaystiro soo dejinta waxa uu midabkiisu isu beddelayaa buluug, taas oo ah calaamad sheegaysa in uu dhammaystiray soo dejintii. Haddii inta ay dejintu socoto uu internet ku go’o youtube waxa uu suurtageliyey in aanu tuurin intii uu hore u soo dejiyey, balse uu hakad uun geliyo, si uu mar kale halkaas uga sii ambaqaado marka uu qofku internet helo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here