Xogaha Khuraafaadka Ah Ee Laga Sheego Caafimaadka Jidhka Aadamaha, Xaqiiqada Cilmiga Ah (Q.2aad)

0
25

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii labaad ee qormadii ay shabakadda Al-Carabiya ku eegaysaa qaar ka mid ah xogo ay dad badani caafimaadka ka aaminsan yihiin oo aan cilmi ahaan run ahayn.

5. Cimilada qabow iyo duriga: Waa mid ka mid ah khuraafaadka caafimaadka la xidhiidha ee dunida loogu rumaysashada badan yahay, inta badanna hooyooyinka ayaa ay ku haysaa cabsida ugu badan, oo iyaga oo ka baqanaya in ubadkooda uu qabowgu hargab u keeno ay kula dadaalaan in ay u xidhaan maryo dugsoon. Dhakhtar oo lagu kala magacaabo Dr. Mark Lerner iyo Dr. Billy Goldberg ayaa sheegay in hargabku aanu xidhiidh la’ lahayn qabowga, oo waxa hargabka sababaa uu yahay Fayras lagu magacaab Rhinovirus.

6. Qofka abeeso qaniinto suntan waa laga soo nuugaa: In badan ayaa laga yaabaa in aynu maqalno in gurmadka koowaad ee ay tahay in aad samayso haddii abeeso ku qaniinto uu yahay in suntii ay kugu reebtay aad dib uga soo nuugto halkii ay qaniintay. Waxaa laga yaabaa in ay arrintan buunbuuninteeda kor u sii qaadeen filimada cabsida iyo khayaalka ah oo mararka qaarkood laga arko qof inta ay abeeso qaniintay saaxiibkii nabarii qaniinyada abeesada inta uu afka saaro dib u soo nuugayo dhiigga, ama isaguba iska soo nuugayo, iyada oo la aaminsan yahay in dhiiggaas dib loo soo nuugayo ay la socoto suntii abeesadu ku reebtay.

Laakiin dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay arrintan ku tilmaameen ficil doqonniimo ah. Dr. Mark Lerner iyo Dr. Billy Goldberg ayaa xaqiijyey in ficilkani uu xaaladda qofka sii xumayn karo, suurtogalna ay tahay in arrintu ka sii darto oo suntu ku faafto nabarka ay samaysay micida abeesadu oo dabcan marka hore aanay suntu wada gaadhayn.

Labada dhakhtar waxa ay ku taliyeen in sida ugu fiicani tahay in marka qofka uu bahalka hoose qaniino, marka koowaadba biyo nadiif ah iyo saabbuun lagu maydho nabarka. Xubinta qaniinyadu ku taallo, sida gacanta ama lugta aan la dhaqdhaqaajin inta dhakhtarka takhasuska ahi daweynayo. Waxa ay sheegeen in khatartu ay tahay in suntaasi ay gaadho wadnaha, sidaa awgeed ay waajib tahay in sida ugu dhaqsaha badan qofka loogu helo dhakhtar.

Labada dhakhtar oo sii faahfaahinaya sida suntan looga ilaalin karo gaadhista wadnaha ayaa sheegay in inta dhakhtarka la tusayo ay fiican tahay in si adag xadhig ama maro loogu xidho boogta dhinaceeda xiga wadnaha, si loo joojiyo xididdada nabarka maraya ee u gudbaya xagga wadnaha iyaga oo dhiig sida si dhiigga ay sidaan aanay sunta abeesaduna ugu sii darmin.

7 Qof hurdada ku socda lama toosiyo: Dad badan ayaa aaminsan in dadka iyaga oo hurda iska dhaqaaqa ama qofka isaga oo socda gam’a ay sida ugu fiicani tahay in la qabto oo la fadhiisiyo iyada oo aan la toosin. Waxa aanay khatar ku sheegaan in dadka habeenkii iyaga oo hurda kaca haddii al toosiyo ay noloshoodu khatar gelayso. Laakiin khubarada caafimaadku taas lidkeeda ayaa ay sheegayaan.

Dr. Ana Craig oo ah agaasimaha xarunta daweynta khalkhalka hurdada oo ku taalla magaalada New York ayaa ka mid ah dhakhaatiirta fikirkan burinaya. Mar ay waraysi arrintan la xidhiidha siisay wargeyska New York Times waxa ay sheegtay in sida ugu fiican ee qofka hurdada ku socda loo caawin karaa ay tahay in la toosiyo oo kadibna dib loogu celiyo furaashkiisa. Dhammaad