Xilliga Gu’ga Oo Ay Xasaasiyaddu Kacdo Iyo Talooyinka Ku Habboon Ka Hortaggeeda Ee Ay Dhakhaatiirtu Bixiyeen

Published on Apr 04 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Xasaasiyaddu waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka caafimaad ee dunida loogu cabasho badan yahay, waxa aanay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay xilliga gu’gii aad u kacdo, gaar ahaan xilliyada qofku uu hawsha nadaafadda guriga ama xafiiska ku jiro ayaa ay kicisteedu ugu khatar badan tadan tahay. Haddaba qormadan aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa talooyinka ugu habboon ee ay dhakhaatiirtu ka bixiyeen hababka ugu fiican ee looga hortegi karo xasaasiyadda.

Maaddooyinka wax lagu nadiifiyo: Inta badan ee waxyaabaha la isku nadiifiyo waxaa ku jira maaddooyin taabashadoodu ay keeni karto xasaasiyad. Sonia Lemel oo ka tirsan jimciyadda Jarmalka ee xasaasiyadda iyo xiiqda ayaa sheegtay in cadarrada iyo udugyada kale ee samayska ah ay ku jiraan maaddooyin ilaalin ay saynisyahannadu caddeeyeen in ay yihiin kuwa ugu daran ee sababa xasaasiyadda, maadaama oo uu jidhku nuugi karo.  Dhinaca kalana Haike Barbum oo ah dhakhtarad Jarmal ah oo ku xeeldheer xanuunnada maqaarka ayaa sheegtay in dadka sida joogtada wax ugu nadiifiya walxaha nadaafadda loo isticmaalo eel eh maaddooyinka xaasiyadda keena in ay ku badato khatarta ah in ay ku dhacdo xasaasiyad ama cambaar.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay jirto xambaar aan haddana ahayn xasaasiyad ama calaamadaha xasaasiyadda, oo ka dhalata biyaha iyo saabbuunta oo jidhku muddo ku dhex jiraa ay keento xasaasiyad iyo cuncun maqaarka ah. Ugu dambayntii waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in laga fogaado shaambooyada iyo walxaha kale ee nadaafadda loo isticmaalo ee ay ku jiraan maaddooyinka xasaasiyadda keenaa, si gaar ahna u raadsadaan kuwa aan lahayn cadarka iyo maaddooyinka dhowrista ee loo yaqaanno ‘Preservatives’

Xasaasiyadda neef mareenka: Dadka Xiiqda leh ama qaba xanuunnada kale ee ku dhaca dhuunta neefsiga iyo marinnada kale ee la midka ah, in uu ku dadaalo isticmaalka saabuunaha nadiifiyeyaasha kale ee aan cadarka lahayn. Thorsten Zuberber oo ka tirsan xarunta cilmibaadhista xasaasiyadda ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in dadka qaba xiiqdu in ay aad uga fogaadaan nadiifiyeyaasha isla markaana ay sanka maro ku xidhaan haddii xasaasiyadda aad u sarrayso.

Xasaasiyadda boodhka guriga: Waxaa jira boodh caadi ahaan guriga gudihiisa ka samaysma oo inta badan ay ku lammaan yihiin cayayaanno ili-maqabatay ah oo ka dhasha boodhkaas. Dadka xasaasiyadda leh waxaa lagula talinayaa in ay si aad ah u dhowraan nadaafadda guriga, gaar ahaan roogga guriga yaalla, waxaa fiican in la isticmaalo mafiiqda korontada ku shaqaysa ee leh shaandhada (Filter) ka oo awood u leh in ay qaaddo boodhka oo dhan, xitaa kiisa aadka u yaryar.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in laga feejignaado mafiiqda caadiga ah oo sababi karta in boodhka wata noolahan ili-maqabatayga ahi uu hawada ku faafo. Waxa kale oo muhiim ah in miisaska iyo marfishyada alaabta la saaro lagu nadiifiyo maro qoyan. Waxaa iyaguna in sidaa loo masaxo u baahan dhammaan alaabooyinka iyo xitaa cuntooyinka qolafta leh ee boodhkaasi gaadhi karo.

Xasaasiyadda boodh faxalka: boodh faxalka oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Pollen’ oo looga jeedo walax boodh u eke ah oo midabkeedu huruud yahay, oo ah boodh / dhas aad u yar oo ka soo duulay qaybta lab ee ubaxa si uu u bacarimiyo ka dheddig. Boodhfaxalka waxaa qaada dabaysha, xasharaadka ama noolaha kale. Haddaba waxaa suurtagal ah in uu si uun ku soo gaadho guriga, gaar ahaan guriga ay dhirtu ku dhextaallo oo uu dhirtaas ka soo duulo xilliga gu’ga, waxa aanu sidaas ku soo gaadhaa daaqada oo ay hawadu qofka soo gaadhsiin karto ama marka la nadiifinayo guriga uu qofka soo gaadhi karo. Boodh faxalku waxa uu si dhaqso ah u kiciyaa xasaasiyadda.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!