Xildhibaan Rayte Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Jeediyay Inuu Is Casilo Ama Uu Wax Ka Bedelo Xukuumadiisa

0
570

Picture9Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiilada xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu is casilo amaba uu wax ka bedelo xukuumadiisa, isagoo tilmaamay inaanu sannadka u hadhay dalka sii wadi karin.

Xildhibaan Rayte, wuxuu sheegay inay xukuumadu ku fashilantay sugida amniga iyo xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cal i(Rayte) ayaa sidan ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu shalay Xafiiskiisa ku siiyey Mareegta Wararka ee ramaasnews,waxaana waraysigan oo uu qaaday Wariye Khadar Cabdi Xasan(Gureyte) uu dhignaa sida tan.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali rayte waxaad tahay gudoomiyaha Gudida Arimaha Gudaha iyo Ilaalinta Nabad galyada ee Golaha Wakiilada Somaliland Sidaad u aragtaa Hub,Ciidamo iyo gawaadhi tikniko ah oo la sheegayey maalmihii u dabaysay ay dawlada Federaalka ee Somaliya ay si qarsoodi ah u soo siinaysay Maamul Gobeleedka Puntland?

Arintaasi waa talaabo hor leh oo aan hore u dhici jirin oo ay wado Dawlada Faderaalka oo ay in ay talaabooyin cadcad oo muuqda in ay oo lidi ku ah Somaliland in ay qaado,waxaa u socday somaliland iyo Somaliya wadahadal muddo hada ka badan Sanad waxyaalo badana waa lagu heshiiyey,Waxaana aad mooda in ay maalinba maalinta ka danbaysa ay cadaanayso wixii kulamdii hore lagu heshiiyey ay xaga Somaliya ka burayaan,Waxaa ka mid ah arintii heshiiskii hawada sidii loo qaybsan lahaa maamulka hawada,waxaa kale oo kamid ahaa heshiiskii ahaa in aan qolana qolada kale wax ay dhibsanayso in aanay ama lidi ku ah aanay ku kicin inta wadahadaladu ay u socdaan labada dhinac taana waxaanu u aragnaa gardaro cad,waxaanu u aragnaa in la xoojinaayo Puntland oo dagaal laga soo abaabulaayo Xaga koonfurta waanan dhaleelcaynaynaa,Somaliland-na ma filaayo in ciidan yar oo la soo abaabulay oo 14-Tikniko ahi ay wax ka qaadayaan dadka reer Somaliland Xoriyadooda iyo midnimadooda waa ay ilaashan doonaan waana u diyaar.

Dhawaan dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti waxaa u kici timay Madaxda Sarsare ee Aminiga dalka si wadahadalo ugal sameeyaan dhigooda dalka Jabuuti Xaduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti ee ay dawlada Jabuuti Xidhatay, wararka hada wadahadalada ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in laysku soo fahmi waayey wahadaladii labada dhinac u socday.Markaa sidaad u aragtaa qorshaha la sheegay in dawlada Jabuuti ay u soo bandhigtay dhinacii ka socday Somaliland kaasi oo odhanaaya in Xadka Lowyacado dib loo raro?

Xadka dib haloo raro wax aanu aqbalayno maaha waa dhulkayagii meesha aanu doono ayaanu ka dhigaynaa oo taa Jabuuti laga yeeli maayo,laakiinse hadii ay Jabuuti ku cabatay in xaga Somaliland ay argagaxisadu ay uga yimaadeen xaqbaa ay uleedahay in la ilaaliyo Xuduudaheeda dadka ka baxaaya iyo dadka Soo galaaya,arintaasina waa arin xaga nabad galyada ah oo ay Xukuumadu ay ku fashilantay,Maanta Xadkii Jabuuti iy Xadkii Itoobiyaba waa ay Xidhan yihiin ,waxaana ay u xidhan yihiin arimo nabad galyo waxaa kale oo ay u xidhan yihiin arimo kale oo ah Siyaasad dibadeed oo ah in Xukuumadani ay ku fashilantay in ay Xidhiidhkii hagaagsanaa ee ay Jabuuti iyo Itoobiya ay lalahayd ay ilaaliso oo ay halkoodii ay ku hayso dawladaha dariska ah oo sidii awalba macluumaadka iyo warbixinaha ay uwada lahaayeen ay u joogtayso,waxaa kale oo muuqda maaha dawladaha dariska oo qudha ee Siyaasadii Arrimaha dibada oo dhanba ee Somaliland in ay faashil ay tahay oo aad moodo in ay daah ku soo daysay Xukuumada tani,waxaad arkayseen in dawldihii aynu xidhiidhka fiican lalahayn sida Ingiriiska,Maraykanka,midawga Yurub iyo waliba bulshada Caalamka oo runtii aan aqoonsi ahayn ee ah aqoonsi xaqiiqa ah u hayey Somaliland oo si toosa oo si dawladeed ula dhaqmaayey in maanta ay taageeradoodii ay wiiqantay oo ay yaraatay warbaahintana ay inoo soo marinayaan fariimaha waxyaabihii aynu hore awal hoos uga wada hadli jirnay ama siyaabo diblomaasiyadeed loo xalin jiray in maanta ay warbaahinta inoo soo marinayaan,waxa weeye waxaas oo dhan marka laysu geeyo waxaa ay muujinayaan in siyaasadii arimaha dibada Xukuumadani ay fashilantay.Waxaana loo baahan yahay in wax layska waydiiyo oo eedeeda iyo khaladaadkeeda iyo waliba cida masuuliyadeeda lehba dee farta lagu fiiqo,waayo Xukuumadu ma huursan karto ma qarsan karto fashilaada intaa leeg.

 

Ugu danbayntii Xildhibaan waxaan ku waydiin lahaa Maadaama oo Xukuumada maanta ay soo wajahday Culays xaga Siyaada Arimaha dibada ah,Idinku ka Gole ahaan Maxaad talo iyo tusaale aad u soo jeedinaysaan Xukuumada maanta talada haysa?

Xukuumadu waxaa ay ku fashilantay oo aanay ka murmi karin guud ahaan xidhiidhadii aynu la lahayn beesha caalamka ,waxaa ay ku shilantay gudbinta fariintii Somaliland iyo Ictiraaf raadiska ,waxaa ay ku shilantay guud ahaan siyaasadii arimaha Gudaha,waxay ku fashilantay wadahadaladii Somaliya ee ay qarsatay ee ay Xukuuamadu ay kaligeed isku koobtay ee ay diiday in ay bulshada inteeda kale ay kala qayb gasho,Waxaa kale oo ay ku fashilanta Xidhiidhkii Sokeeye ee dawladaha dariska ah aynu lalahayn  oo u muuqda in dawlada Itoobiya oo ahayd dawlada inoogu dhaw ee Xidhiidhkeena dibada  maanta uu heer kedu uu gaadhsiisan yahay in laysu xadka laysagu gudbi waay in Passport-kii in Passport-kii Somaliland ee Itoobiya ay aadka u qiimayn jirtay maanta lagu gali kari waayo gudaha dalalka Itoobiya Iyo Jabuuti,waxaa ay Xukuudani ay ku fashilantay oo aanu daah saarnayn arimihii nabad  galyada waana kuwa saldhiga u ah Xidhiidhka Xumaaday ee aynu lalahayn dalalka Itoobiya Iy Jabuuti iyo beesha kale ee Caalamka ee aynu ka wada shaqayn jirnay arrimaha nabad galyada markaa waxaan odhan lahaa anigu Madaxweynuhu ma sii wadi karo sanadka u hadhay hadii ay sidaasi ku socotana ha iscasilo oo waxani wax yaabihii laysku casili jiray waa ay ka badan tahay hadii aanu is casilayna Xukuumadiisa wax ha ka badalo.”