Xeeldheere Talefannada Casriga Ah Ku Canaantay In Ay Dhaawaceen Waxsoosaarkii Shaqada Aadamaha

26
3574

London (Geeska)- Dhaqaalayahan u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in waqtiga dheeraadka ah ee xilliga shaqada ay dadka qaar ku lumiyaan wadwadista talefanka gacanta ay sabab u noqoto dib u dhac iyo hoosudhac ku yimaadda waxsoosaarkii laga filayey.

Dhaqaalayahan Dan Nixon oo ka tirsan bangiga England (Bank of England) ayaa bar ay shaqaalaha bangiga oo keliyi xogta isku dhaafsadaan waxa uu ku faafiyey qoraal uu ku sheegayo in muddooyinkan dambe uu hoos u dhac weyni ku yimi guud ahaanba waxsoosaarkii dunida galbe, halka tobankii sano ee u dambeeyey uu toban labaab kordhay isticmaalak talefanka gacantu. Waxa uu sheegay in ay jiraan caddaymo muujinaya in shaqaale badani ay shaqadooda kaga mashquulaan talefanka gacanta, tusaale ahaan la socoshada akoonnadooda baraha bulshada.

Cilmibaadhis lagu sameeyey dhibaatada ka dhalan karta isku dhex wadista shaqada iyo booqashada baraha bulshada ee internet ka, oo muddooyinkan dambe caado noqotay ayaa waxa ay daahfurtay in ‘Hal mar oo kasta oo uu qofka shaqaalaha ahi ku jeesto isticmaalka Facebook ay muddo 25 daqiiqo ah oo dambe ku qaadato in uu maskaxdiisa dib ugu soo dabbaalo jawigii shaqada, kuna guulaysto fiiradiisii baahday markii uu yara jeestay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here