Xadhiga Suxufiyiinta iyo Cabudhinta Xoriyatul Qawlku Waa Astaanta Kali Taliska

Published on May 13 2014 // Maqaalo

Picture1Sharcigan wadhatada ganaaxa , Wasiirkana gool u  oga ,Sharcigan kii galay abaalka

La gawdhshee gebagebeeya ,

Sharcigan lagu guulwadeeyo

Sharcigan nabadana u guuxa  Wixii gubayana jideeya

Gabaygii Gunaad, Abwaan xasan daahir weedhsame

 

Ugub maaha cabudhinta, cago juglaynta, cadaadinta,cuno qabataynta jeebaynta, shirqoolida,  iyo waliba hanjabaadaha lagula kaco Suxufiyiinta iyo qalinlayda  sida xorta ah u cabiraya una tilmaamaya, musuq maasuqa, dulmiga, iftiiminayana dhaliilaha kana qayb qaadanaya horumarka, Saxaafadu waa aasaaska horumarka, dimuquraadiyada iyo kobcinta xoriyatul qawlka.Saxaafadu waxay isku xidhaa Shacabka iyo Dawlada, waxay guddbisaa fariimaha dadwaynaha iyo tilmaamaha dawllada,waxay gudo iyo dibadba difaacaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxaynu dhamanteen Markhaati ka nahay oo marag ma doon ah, in xukumadu la soo baxday habdhaqan xun oo lagula dagaalamayo Saxaafada  iyadoo aynu goobjoog u wada ahayn xadhiga wariyayaal iyo wargaysyo aan sharciga sidii saxda ahayd aan loo marin, dacwadahoogiina aan la dhagaysan, cadaymana aan la waydiin, maxkamadana aan looga yeedhin, oo iyagoo shaqaysanaya xoriyadoodii waayay lana jeebeeyay.

Dhacdooyinka foosha xun ee lagu xasuusan doono Siilaanyo xukuumadiisa waa handdadaada iyo dhibaataynta saxaafada , kutumashada sharciga ,xoriyatul qawlka  iyo xuquuqda muwaadinka. Wasiiro ka mid ah xukuumada oo awoodii dastuuriga ahayd sifo qaldan u adeegsanaya ayaa iyagoo shaadhka dawlada ka faa’idaysanaya isku dayaya inay cabsi galiyaan Saxaafada, qalinlayda, abwaanada iyo halabuurka iyo culaam’udiinka

waxa aynu ka warqabnaa in in badan oo ka mid ah suxufiyiinta wadanka lagula kacay xadhigyo iyo hanjabaado lagu waxyeelaynayo dimuquraadiyada iyo xoriyada saxaafada, waxa la ogsoon yahay in abwaano dadka qiimo ku dhexleh ay ku jiraan jeelasha ,qaar kaloo ka mid ahna lahadiday loona hanjabay, iyadoo lagu dhibaataynayo doorkooga wacyigalinta/baraarujinta bulshada, waxaynu ogsoonahay cabudhinta lagu hayo waayeelka ahna siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo waliba mujahidiintii wadanka u soo halgamay, waxa  dhalinyaradii wadanka loola dhaqmay hab bahdil ku ah mustaqbalkooda iyadoo aynu ognahay sida rajola’aanta ah ee dhalinyaradu badaha iskugu halaagayaan, Intii wadanka joogtayna laga dhigay qaar loo hanjabo, qaar lagu kasbado balanqaadyo mansabeed, qaar duruufo dhaqaale looga faa’idaystay, qaar jibo qabiil/tolay ku raxlaynaya, bal aynu u jeedada u soo daadagno, waxaynu si hufan u gorfayn doonaa:-

Dhibaatooyinka ay keento Xadhiga iyo cabudhinta Saxaafadu?Mashakilaadka laga dhaxlo kutumashada sharciga iyo xoriyatul qawlka?Waxaynu iftiimin doonaa astaamaha kalidii taliska?waxaynu soo bandhigi doonaa, Xadhiga Masuuliyiinta Wargayska Haatuf iyo Tacadiga iyo xadhiga wargayska hubaal ?

Dhibaatooyinka ay keento cabudhinta Saxaafadu?

Shaki kuma jiro in habdhaqanka guracan ee Saxaafadda lagula dhaqmayo danbarkeedu noqon doono, burbur, kalaqaybsanaan bulshada dhaxdeeda ah, nacayb loo qaado xukuumada iyo sharciga, eex iyo guulwadayn, waxay horseedi kartaa in shacabku cadow ku noqdo wixii umada ka dhaxeeyay, iyagoo u arka sharcigii difacayay muwaadinka inuu yahay dabar bulshada lagu waxyeelaynayo, waxa dhacaysa in hay’adihii amaanka ee shacabka ka ilaalinayay hagardaamada iyo dhibaatada loo arko cadaw shacabka u muruq wayn, waxa dhacaysa in qabyaaladu ay xoogaysato, xukunkuna ku ururo casabad ama kooxo gaar ah oo ujeedo midaysay.

Cabudhinta saxaafadu waxay horseedaysaa musuq maasuq baahsan iyo awoodo qayral dastuuri ah oo samaysma, Cadaawada ay xukuumada siilaanyo gashanayso saxaafadu waxay keensanaysaa  burbur ku yimaada dawladnimada, dhaqaalaha, amniga , wada noolanshaha bulshada iyo dimuquraadiyada,

Akhriste waxaad xogogaal u tahay kana dharagsan tahay Saxaafadu inay ahayd halbawlayaashii dhidibada u aasay qaranimada somaliland, door-wayna waxay ku lahayeen nabadayntii iyo walaalayntii bulshada reer somaliland, waxay kaalin aad u muhiima ka soo ciyaareen wacyigalinta bulshada iyo  hanaanka dawladnimo ee yagleelka ah, waxa aan la dafiri Karin sida muga leh ee ay uga soo qaybqateen, doorashooyinka wadanka, waxaynu isla wada qirsanahay inay saxaafadu tahay tiirarka ugu waawayn dimuquraadiyada.

jidkii uu maray Kalidii taliyihii Afwayne, bulshada reer Somaliland waxay khibrad fiican u leeyihiin mid dhugtay iyo mid u taagnaaba masiibada ka dhalan karta cabudhinta dadwaynaha/Shacabka.

Hadaba ifafaalaha muuqdaa wuxuu sheegayaa inaynu cagta saarnay jidkii kalidii talisnimada, musuq maasuqa, qabyaalada, Nin jeclaysiga, Cago juglaynta,  cabudhinta iyo kutumashada xoriyatul qowlka, bal si kooban haan idinkula wadaago dhacdooyinka ugubka ah ee la kowsaday Siilaanyo.

1. higa Iyo Dhibaataynta saxaafada:-Waxyeelaynta, xadhiga iyo shirqoolada saxaafada lagula kacayo, waa dhacdo naxdin leh, waa dhacdo shaki iyo fidno ku dhex abuuraysa bulshada iyo qabaa’ilka dhexdooda, waa ifafaalada nabad galyo darada, waa dhacdo lidi ku ah amniga iyo qaranka jiritaankiisa , waa dhacdo ay ku suntanaan doonto xukumadani, waa dhacdo mudan in bulshadu meel uga soo wada jeedsato, waa dhacdo gabagabaynaysa xoriyatul qowlka, waa dhacdo indhaha ka ridaysa dimuquraadiyada, waa dhacdo horseedaysa car juuq dhaha, waa dhacdo u baahan gurmada qaran.

waxay ahayd shalay markii Madaxwayne siilaanyo mucaaridka ahaa, waxay ahayd shalay markii sida xun loo aflagaadaynayay madawaynihii xukunka hayay ee Dahir Riyaale, waxay ahayd shalay markii wax laga sheegayay Marwada Madaxwaynaha, shalaybay ahayd markii Siilaanyo ku dhaleecaynayay UDUB  cabudhinta xoriyatul qawlka iyo saxaafada.

2. La-maanka Siilaanyo, Mucarad-nimadiisii Iyo Madaxtinimadiisa:-

Siilaanyo, laba eray ayuu hal hays u lahaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa,waa ta kowaade wuxuu ka hadli jiray saxafada madaxa banaan iyo saxaafad la cabudhinayo, isagoo si xooga ugu dhaliili jiray Daahir riyaale, inuu TVga qaranka iyo iddaacadu aanay ahayn kuwo u siman xisbiyada qaranka, wuxuu odhan jiray saxaafada dawladdu maamusho xor maaha. Waxa kale oo uu halhays u lahaa siilaanyo, kalmada geedi socodka dimuquraadiyada.Hadaba akhristow adigoo ka marag kacaya waxaad aragtay iyo wixii aad dhugatayba, maxaa ku sifayn lahayn hab dhaqanka maamulka siilaanayo.

Dahir Riyaale Kaahin mudadii uu xilka hayay oo ku sinayd 8 sanadood wuxuu xidhay sida lagu xusay xuskii saxafada somaliland 17 wariye halka ahmed siilaanyo labadii sanadood ee ugu horaysay maamulkiisa uu xidhay wariyayaal dhan 58 suxufi

Waxay ahayd dhacdo lala yaabo, taariikhda markii ugu horaysay in madaxwayne siilaanyo oo  khudbadii dastuuriga ahayd  ka akhriyaya labada Gole Qaran 2012kii uu gebo gebadii khudbadiisa kaga dacwooday TVga Horn cable  oo barnaamij ka diyaariyay Xukumadiisa, Siilaanyo wuxuu dafiray oo uu indhaha ka qarsaday in xukuumadiisu ay ku timid hanaan dimuquraadi ah iyo doorasho xor iyo xalaal ah , waxaanu ilaaway xuquuqada iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee xoriyatul qawlka, iyadoo saxaafadu ahayd kuwii u hiiliyay ee garabka ku siiyay inuu ku guulaysto madaxtinimada somaliland

3. Dhaawaca Soo gaadhaya Sumcada Qaranka jamhuuriyada Somaliland

Iyadoo somaliland ku faanto, nabadgalyo, dimuquraadiyada iyo saxaafad xor ah, ayaa xadhiga iyo dhibaataynta saxaafadu wuxuu somaliland gaadhsiiyay dhaawac sumcadeed, Wasiirada iyo masuuliyiinta Dawladu waxay lacag ku faraqayaan saxaafada si aan waxba looga qorin, iyagoo ku takri falaya cashuurtii iyo dhaqaalihii umada, saxafiga uu damiirkiisu diido inuu laaluush qaato ee runta qorana xadhiga  iyo dhibaatayn ayuu la kulmayaa, iyadoo ururada xuquuqal isaanka iyo ururada suxufiyiintuba intaa dhawaaqayaan, halka xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne siilanyona ay dhagaha ka furaysatay dhawaaqa saxaafada.

4. Xadhiga wargaysyada HAATUF IYO HUBAAL

Iyadoo dacwado kala duwan lagu soo oogay labadan wargays ee Hubaal iyo Haatuf ayaa dadka sida dhex dhexaadka ah uga faalooda siyaasada, aqoonta durugsana u leh, waxay ku tilmaameen dhacdooyinka in labadan wargays iyo qaar kaloo badaniba ay yihiin bartilmaameed, qorshuhuna yahay in xididada loo siibo wargaysyada ugu tunka wayn looguna akhrisaka badan yahay dadkuna ku jecelyihiin run sheegooda, halka wasiirada dawlada ee ay u meel martay xag xagashada suxufiyiintu ay samaysanayaan wargaysyo afkooda ku hadla oo sharafta cidii ka soo horjeedaba dhulka jiid jiidda, halka qaar wasiirada ka mid ahina ay horeba u lahaayeen, wargaysyadaasi ayaa la ogsoon-yahay inay ku naaloodaan xorriyad qayral dastuuri ah.

Wasiiradan dacwada ku soo oogaya wargaysayadu, cayda iyo dhaleecaynta masuuliyiinta xisbiyada qaranka uma arkaan dhibaato iyagoo adeegsada dhalinyaro ay biiliyaan si ay masuuliyiinta heer qaran ee xisbiyada u aflagaadeeyaan.

5. Gabo Gabo:-

Waxaan shacabka ku guubaabinayaa inay ka dhiidhiyaan cabudhinta loo gaysanayo saxaafada, iyadoo sifada dacwada loo marayaana ay tahay mid ku qotonta awood maroorsi iyo cadaalad daro, waxaan ugu baaqaynaa xukuumada inay xoriyadoodii u soo celiso masuuliyiinta wargayska haatuf sidoo kalena ay albaaba u furto wargayska hubaal oo wax dacwad ahi aanay maxkamada ka oolin.

 

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!