Wuu Farxay Markii Loo Sheegay In Samafale Magaciisa Qariyey Uu Kelli Siinayo, Laakiin U Qaadanwaa Ayaa Ay Ku Noqotay Markii Uu Ogaaday Qofka Leh Kellida Loo  Geliyey

0
29590

Riyaad (Geeska)- Wiil u dhashay Sucuudiga ayaa go’aansatay in mid ka mid ah keliyaheeda ay ugu deeqdo aabaheed oo muddo dheer keliyuhu fadhiyeen.

Walaa’ Ismaaciil Caashuur oo 24 sano jir ah ayaa mar ay la hadashay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa uu uga warramay dareenkiisa ku aaddan kellidiisa uu aabihii ugu deeqay, “Waxa aan dareemayaa farxad aan la soo koobi karin. Waxaa ii suurtagashay in aan soo afjaro xanuunkii dhibta badnaa ee aabahay muddada saddexda sano ah qabay, iyo daalkii iyo dhibtii joogtada ahayd ee uu ku qabay tuumbooyinka maydhista keliyaha ee loo samayn jiray.”

Wiilkan oo ka warramaya sababta uu aabihii ugu qariyey in uu kellidiisa siinayo ayaa yidhi, “­In kasta oo aabahay xanuun daran qabay, aadna ula dhibaatooday maydhista keliyaha ee toddobaad kasta saddex jeer loo samayn jiray, haddana waa uu diiddanaa in aan kellidayda u saaro, isaga oo aniga ii baqaya awgeed.”

Wiilkan duco qabaha ah oo ka sheekaynaya sida uu u dhegeysan waayey diidmadii aabihii, iyo xeeladdii uu sameeyey ee uu kaga qariyey kellida uu siinayo, “Xaaladdiisa aan arkayey ayaa igu kordhisay go’aankayga ahaa in aan kelli siiyo. Waxa aan u tegey hooyaday waxa aanan u sheegay doonistayda ah in aan aabahay kelli ugu deeqo”

Walaa’ waxa ay sheegtay in ay hooyadeed ku taageertay go’aankan, sida oo kale laba wiil oo ay wada dhasheen ay u sheegtay. Markaa kaddib ayaa ay cisbitaalka tagtay waxa aanay u sheegtay go’aanka iyada iyo qoyska ee ah in ay kelli ku deeqdo, cidda ay ugu deeqaysaana ay tahay aabaheed laakiin ay doonayso in aan magaceeda la sheegin.  Cisbitaalkii markii arrintii lagu qanciyey. Walaa’ iyo hooyadeed waxa ay u yeedheen aabaheed oo ay u sheegeen in la helay ruux kelli sadaqo u baxsanaya oo aan doonayn in magaciisa la sheego. Sidii baa la yeelay oo Walaa’ kellida laga saaray, laguna beeray aabaheed oo aan ogeyn cidda kelida ku deeqday, isla markaana aan filayn in uu ciddaas garanayo. Nasiibwanaagna qalniinkii waa uu guulaystay.

Walaa’ oo ka warramaysa sida uu u dhacay qalniinkii iyo goorta aabaheed ogaaday qofka kellida siiyey ayaa tidhi, “Aabahay ayaa aan ka codsaday in aan cisbitaalka u raaco maadaama oo uu qalniin gelayo. Aabahay waxa uu galay qolkii qalniinka, aniguna isaga oo aan ogeyn ayaa aan ka daba tegey qolka. Waxa aanu galnay qalniin 7 saac socday, markii uu suuxdintii ka soo noqday, ayaa uu dhinaciisa midig jalleecay. Waxa uu arkay aniga oo xaaladdisia oo kale ku sugan. Waa uu u qaadan waayey. Waxa aan ku idhi, waa waajibka ugu yar ee aan kuu gudi karo. Waxa aad noo hurtay wax kasta oo aad awood iyo hayn lahayd. Waa aad na karaamaysay, oo aad nolol noo dhistay. Waxaa la gaadhay waqtigii aan wax uun ka so ocelin lahaa wanaaggaas”

Dhinaca kalana aabaheed oo ay warbaahintu arrintan wax ka weydiisay ayaa yidhi, “Waxa ay inantaydu samaysay iyo samafalka ay ii gashay waa baarrinimo halkii ugu sarraysay. Markii aan qolka qalniinka ka soo baxay ayaa aan ogaaday in inantayda Walaa’ ay tahay qofka kellideeda iigu tabarucday. Nolosheeda ayaa ay khatar u gelisay si aan caafimaad u helo. Markii aan arkay oohin ayaa aan is xejin kari waayey”

Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in cisbitaalku uu u sheegay in la helay qof doonaya in uu kelli ku deeqao, laakiin doonaya in uu ajar ka doono oo aan magaciisa la sheegin. “Aad baan ugu farxay, rajo ayaa i gashay” ayaa uu yidhi isaga oo ka warramaya dareenkiisu sidii uu ahaa markii warkan cisbitaalku u sheegay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here