Wasiirka Ganacsiga Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Tacab Beerasho Bilaabaan

0
1174

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaancsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay muhiimada iyo ahmiyada ay leeyihiin wax soorka iyo Beerashadu,waxaanu guud ahaan Bulshada reer Somaliland kula taliyey in laga faa’iidaysto Roobka oo wax la beerto, si looga feejignaado abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Gaancsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Wadan kastaa wax soo saar buu leeyahay, umad kastaana dhulkooda iyo dalkooda ayey wax kala soo baxaan, oo ay qotaan, waxna ka beertaan, si ay uga maarmaan wax ay dibada kala soo degaan, ALLE ayaana ugu shugri naqaynaa abaarta uu inaga dulqaaday, ee aynu ka faa’idaysano nimcadaas uu maanta ALLE ina siiyey, waxaana guud ahaan Bulshadeena reer Somaliland ku boorinayaa kuna dhiirigelinayaa inay muhiimada iyo ahmiyada siiyaan inay dhulkooda qotaan, oo ay beertaan, waxna kala soo baxaan, oo ay ka faa’iidaystaan Biyaha roobka ah ee ALLE ina siiyey, waxaana xaqiiqo ah in umad waliba ku faanto wax walba oo ay dhulkooda kala soo baxaan, markaas waxa la inooga baahan yahay tacab iyo dadaal aynu wax ku beerano, si aynu uga maarano wax badan oo dalka dibadiisa inooga yimaada”.

Wasiirka Wasaaradda Gaancsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ayaa isagoo ka hadlay maalgashiga Caalamiga ah ayaa yidhi “Wasaarad ahaan waanu boorinaynaa, oo waanu dhiirigelinaynaa, in dalku yeesho maalgashi caalamiya, in dalka la maalgashadana waanu soo dhaweeynaynaa, cid waliba oo buuxisa shuruucda iyo sharciyada uu Dastuurku dhigayo waanu u ogol nahay maalgashiga dalka, gaar ahaan waxaan Qurba jooga reer Somaliland kula talinayaa inay dalkooda maalgalin ku sameeyaan, anigoo uga mahadnaqayaa doorka ay ku leeyihiin horumarka dalkooda, waxaana xaqiiqo ah in inaga oo waliba aqoonsi caalamiya helin in haddana aynu isku tashanay, oo dalkeena horumarinay,shuruud walba oo dal looga baahan yahayna weynu dhamystirnay”.