“Maxkamadeena Kala Saari Kari Weyday Hal Cod, Suurtagal Maaha Inay Kala Saarto Doorasho Madaxtooyo”

0
700

Suldaan Daakir Xasan Khaliif

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Daakir Xasan Khaliif, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana ah Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye, ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday dalka Kenya, iyo go’aankii ay ka soo saartay Maxkamadda Kenya, waxaanu barbar dhigay Doorashada Madaxtooyada ee ku soo socota Somaliland, iyo haddii muran iyo khilaaf ka dhasho, cida kala saari karta, madaama uu tilmaamay in Maxkamadda sare ee Somaliland aan lagu kalsoonaan karin.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka talo u soo jeediyey, waxaanu ugu horeyn yidhi “Weynu ka war qabnaa in Wadanka Kenya, oo marka laga hadlaayo Wadamada Afrika, in la yidhaahdo waa Wadanka ugu musuqmaasuqa badan, waxa se xusid mudan in natiijadii Doorashadii Madaxtooyada  in Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Kenya uu laalay, oo uu sheegay in boob iyo dhac lagu sameeyey, waxaanu soo jeediyey in lixdan cisho kadib lagu celiyo Doorashada, halka aynu arkaynay in Maxkamadda sare ee Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyuhu inuu kala xukumi kari waayey khilaafkii ka dhacay Wakiilada, ee ka dhashay natiijadii Doorashada Guddoomiyaha Wakiilada, ee kala ahaa 39 iyo 38 Xildhibaan, oo markii loo keenay, ee la yidhi dhac baa halkaas ka dhacay ee loo soo cawday cadaalad muu samayn, ee uu iska soo riixay, halkii uu waajibadkiisa ka gudan lahaa, kana garsoori lahaa khilaafkan Wakiilada, ee haddii khal-khal ka dhaco Doorashada ALLE inaguma keene, sidee loogu aamini kara Maxkamadda sare ee Somaliland, waxa dhab ah oo cad in aan lagu aamini karin, Maxkamad kala saari kari weyday hal cod, suurtagal maaha inay kala saarto Doorasho Madaxtinimo oo culayskeeda leh  ee Komishanku ha ku dadaalo cadaalada”.