APD Dhex Kama Noqon Karto Dooda Musharixiinta

0
1264

Cabdiwahaab Daahir Khaliif (Happy)

Waxaa  ayaamahan  warbaahinta  dalka  kusoo  badanayey qabashada dooda musharixiinta saddexda  xisbi  qaran  waddani. kulmiye  iyo  UCID.

Way fiicantahay  In la qabto  dood  noocan oo kale  ah. Laakiin  waxay  tahay marka la qabanaayo dood. Sidan oo kale  waxaa qaban kara TV ama  haayad  ka madax banaan  siyaasadda. Laga  bilaabo  1991 dib u dhiskii  dalka waxaa  qayb  wayn ka qaatay bulshada  rayidka  oo  iskeed  isku  abaabulshay dib dhiska bulshada rayidka iyo  Nabadayntiiba. Bulshada rayidka  (civil  society).   waxay  u taagnayd  horumarinta bulshada rayidka   qaybaheeda kale duduwan. Xarunta APD ee Akademiyada nabadda iyo horumarinta oo caan ku ahayd bulshada dhexdeeda laguna yaqaanay dhexdhexaad inay ka tahay arrimaha siyaasadda ayaa  maanta  waxay noqotay Akaadamiga  Nabada iyo horumarintu mid ka tagtay  hawsheed ay  u haysay  bulshada  Somaliland waxay  ahayd   mid ka madaxbanan gabi  ahaanba Asasxaabta siyaasiga ah sida  xisbiyada dalka  ka jira  oo aanay ku dhex milmi jirin.

Haddaba, waxaan  u sheegayaa  dhaamaan umada Somaliland in  Akaadamiga Nabada iyo horumarintu aanay  dhex ka ahayn  dood musharaxiinta saddexda  xisbi  qaran. Akaadamiga Nabada iyo horumarinta waxay  ku dhex milantay xisbiga talada dalka haya  ee kulmiye. Akaadamiga Nabada iyo horumarintu waxay  si cad  oo  badheedh  ah ugu  olaleeyaan xisbiga  kulimiye  Akaadamiga Nabada iyo horumarinta maanta ma noqon karto inay meel  isugu  keento xisbiyada qaran waayo  cidda  dood qabanaysaa waa  inay tahay mid dhexdhexaad ah  oo  aan dhinacana  loo  tirinayn.

Cabdiwahaab Daahir Khaliif (Happy)