Wasiir Labaad Oo Sheegay In Dalku Bilaa Mucaarad Yahay

0
1292

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa mar kale ku celiyay in xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay u baahan tahay mucaarad isla markaasna aanay dalka ku arkin mucaarad ka danbeeyay xisbiga Kulmiye.

Axmed Muumin Seed ayaa sidan ka sheegay bandhiga waxqabadka xukuumada Muuse ee sanad jirsatay loo sameeyay, waxaanu mucaaradka ugu baaqay in dalku u baahan yahay mucaaradadooda, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uun yidhi “Dawladu waxay u baahan tahay oo mucaaradku ay xaq u leeyihiin mar walba inay wax toosiyaan oo ay dhaliilaan , mucaarad xisbiga Kulmiye mid ka adag oo dalka soo maray ma jiro imikana ma hayno wax ilaa hadda ka danbeeya laakiin waanu soo dhawaynaynaa waxii mucaaradnimo iyo toosin ah , waayo qaranka ayaa u baahan, laakiin waxyaabaha xaqiiqda ka fog waxay noaon doonaan wax ay bulshadu ka marag kici doonto waayo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xgeenkiisuba waxay ku talaabsadeen meelhii halbowlaha dalkan u ahaa in wax laga qabto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here