Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Frantz Fanon

0
1412

Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Frantz Fanon ayaa shalay munaasibad u qabatay dufcadii labaad oo ka kooban 21 arday oo isugu jira caafimaadka guud  iyo cilmiga Psychology.

Ardaydan qalinjabisay ayaa ay xafladooda kala qaybgaleen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, agaasimaha tacliinta sare iyo Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen.

Ugu horayntii waxa halkaas ka hadlay Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan guddoomiyaha jaamacadan oo faahfaahin ka bixiyay ardayda qalin jabinaysay  “Kumaanu dadaalin inaanu badsano tirada ee waxaanu ku dadaalnay tayada aanu xooga saarno, tayaduna iskama timaado tirada ayaa lacag badan, taas waanu ku dadaalnay si wanaagsan ayay wax noogu kordheen badankan jaamacadan Frantz Fanon maadooyinka iyo cimiyadii ugu adkaa uguna qaalisanaa dhanka dhaqaalaha waayo macalimiinta loo baahan yahay, takhasuskayaguna waa caafimaad.”

Ardayda qalin jabisay ayaa isugu jira 20 arday oo bartay cilmiga caafimaadka iyo 11 arday oo bartay cilmiga Psychology.

Axmed Muuse Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada ayaa dhankiisa jaamacada ku amaanay inay tayadeeda dhistay “ Waa hanti ay Somaliland leedahay ardayda maanta qalin jabinaysaana waxay ii muujinayaan inay jaamacadan ay ku dadaalayso tayada.”

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa dhankiisa ardaysda hanbalyeeyay“Anigu jaamacada waan ka tirsanahay Bulxana markii hore ayaan saaxiib gaar ah ahayn, waajib ayay igu tahay haleeli waa mooyaane in hawlahooda aan ka qayb qaato, aad ayaan u hanbalyaynayaa dhalinyaradan Jaamacada ka qalinjabisay.”

Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa dhankiisa ardayada talooyin u soo jeediyay lana qaybsaday farxada qalin jabintooda “Jaamacad marka qofku ka baxaayo oo la karbaashay la carbiyay oo halaag ah inuu ka soo baxo jaamacada ayaa loo baahan yahay, looma baahan qof layska siiyay bahashu inuu iska soo baxo oo uu halkan la warwareego, waan ku hanbalyaynayaa kuligiin.”

Ugu danbayntii Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa ardaydaas hanbalyeeyay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Qalinjabinta labaad ee jaamacada Frantz Fanon inaan ka soo qaybgalo aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waanan hanbalyaynayaa guddoomiyaha jaamacada oo ah nin runtii halgan dheer qarankan u soo maray, waxaanan hanbalyaynayaa dhalinyarada ama odayaasha qalin jabisay ee inan iyo inanba leh, hanbalyo waxaad ku soo biirteen aqoon yahankii Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here