Qaar Ka Mid Ah Ciidankii Taliye Caare Oo Ka Soo Goostay, Soona Gaadhay Sanaag

0
1480

Hargeysa(Geeska)- Waxa gobalka Sanaag lagu soo dhaweeyay ciidamo iyo dhalinyaro ka soo goostay ciidamada Caare ee ku sugan Qardho.

Ciidamadan ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dararweyne waxaana halkaas laga sheegay in shaqooyinkoodii dib loogu celin doono, iyaga ayaana dhankooda sheegay inay cadaalad daro balaadhan kala kulmeen Qardho isla markaasna ay goosteen inay dhulkooda dib ugu soo laabtaan.

Faysal Cabdi Bootaan taliyaha qaybta ayaa isagu si diiran u soo dhaweeyay kooxdan ka soo goostay Caare “ Aad iyo aad waxaanu u soo dhawaynaynaa dhalinyaradan ka yimi ah ee ka yimi Qardho ee isugu jira xubnaha ahaan jiray ciidamada kala duwan ee Somaliland qaarkoodan ay shacabka ahaayeen aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa waxaad timaadeen dalkiinii iyo gobalkiinii, waxaad u timaadeen odayaashiinii tabashana waa ay dhacaysaa oo laysugu soo noqdo waxii aad tabateen iyo waxii jiraba dadkiinii ayaad ku soo noqoteen.”

Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed ayaa halkaas ka sheegay “ Xafladan aynu isugu nimi ee soo dhawaynta ciidan ka yimi dhinaca Qardhood oo ah qoladii jabhada halkaas joogtay ahaa oo ka soo goostay jabhadaas una soo goostay dalkoodii dhibaatooyin ay halkaas kala kulmeen dartood gartay inay dalkoodii iyo dadkoodii dib ugu soo noqdaan waxna la qabtaan, ugana faaideeyaan xooga dalkood, qaybtani waa tii Dararweyne soo gashay hoos iyo bananka inoo dhaafay iyo kuwo xaga sare jiraaba way jiraan,waxaanu idinka rajaynaynaa hadii ay garteen in dalkoodii iyo dadkoodii ay dib ugu soo noqdaan dhibaatadii ay ku jireena ay ka soo noqdaan waxaanu ka rajaynaynaa dawlada in ragaas la soo dhaweeyo waxna lala qabto .

Mid ka mid ah dadkii goobtaas lagu soo dhaweynaayay ee ciidanka Caare ka soo goostay ayaa halkaas ka sheegay“Anagu markii hore waxaanu qabanay Qardho cadaalad daro aanu ka tirsanay Somaliland ayaanu u tagnay waxaanuse la kulanay mid tii ka xun oo waxaanu martinay wax naga sii liita waanu ka nimi waxaanuna is nidhi ciidiinii ku noqda wax idiin dhaamaa ma jirtee, waxaanu rabnaa in wax nalala qabto oo dawlada Puntland ayaa nagala hadhay wax.”

Badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa soo dhaweeyay kooxdan“ Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed waxa uu ku amaanan yahay idinka oo halkaas joogana Somaliland ayuu idinku hayay markii wax kale idinkaga soo baxeena waa uu ka soo booday oo waxa uu yidhi tani tii aan u soconay maaha wadaniyada wax la siistaa ma jirto meel alle iyo meel kale oo aad ku gaban kartaa ma jirto meel laydinku soo dhawaynayana maaha oo gurigiinii ayaad timaadeen qofna gurigiisa laguma soo dhaweeyo, laakiin waxaanu leenahay waxaanu u mahad naqaynaa allaha mar labaad halkeenii isugu keen soo celiyay, waxaad isugu jirtaan ciidan iyo shacaba qolada ciidanka ah waxa balan ah inuu nin waliba ciidankiisii ka hawl galo waxa shacabka ah haduu shaqaale dawladeed ahaan inaanu la raadino shaqadiisii waxiid oonaya in la ciidamiyana diyaar ayaanu u nahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here