Warbixinaha Ay Warbaahintii Dunidu 26 June 1960 Ka Qortay Xorriyadii Luntay Ee Somaliland

Published on Jun 27 2017 // Maqaalo

Shalay oo kale  kale, 26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 57 sannadood. Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay. Waxaana  sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas  lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba. Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Wargeyskii la odhan jiray Daily  Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii. Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan: “Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin. Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.” Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda. Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay.

Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay  dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska. Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey  oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 20kii sannadood ee u dambeeyey.  Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960. Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.?  Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni sixitaanka khaladkii ay gashay 57 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!