Talooyin Caafimaad Oo La Xidhiidha Cuntada Afurka Kadib Iyo Dhibta Ka Dhalan Karta Haddii Aan La Raacin

Published on Jun 21 2016 // Googooska Geeska

1Riyaad (Geeska)- Miyaa aad ka mid tahay dadka xilliga afurka aan cuntada iska joojin illaa ay cunto iyo cabbitaan ka dhergaan? Waxaa kuu fiican in aanad sidaa yeelin, waayo khubarada caafimaadku waxa ay ka digayaan in cunto badan oo xilliga afurka la xuno ama qofka oo aan cunin cuntooyin isu dheelli-tiran xilliga afurka ee Ramadaankii ay keento khalkhal dhinaca caloosha ah, iyo xaalado caafimaad darro oo kale.

Dr. Sacad Cabdalfataax Nucaymi oo ka tirsan haayadda caafimaadka ee Xamad oo dalka Qatar ka jirta ayaa mar uu u warramay Aljazeera oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa uu sheegay in sababaha ugu badan ee xanuunnada iyo xaaladaha caafimaad darro keena ramadaanku ay tahay qofka oo ku talax tagaya cuntada afurka kadib.

Dr. Nucaymi warmurtiyeed ka soo baxay haayadda Xamad dhowaan waxa kale oo uu ku sheegay in cuntada iyo cabbitaanka oo lagu fogaadaa ay keenayso miisaanka oo aad u kordha, iyo in ay korodho khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada miisaanka la xidhiidha, sida macaanka iyo xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Xanuunnada ugu badan ee la arko xilliga Ramadaanka, waxaa ugu badan dadka cuntada badan cuna afurka kadib, iyo dadka si degdegga ah iyaga oo aan cuntada aad u calaalin u liqa, waxaa iyaguna keena cuntooyinka ay ku badan tahay Kaarbohaydaraate (Carbohydrate) oo keenta dibbiro iyo calool calool xanuun.

Siyaabaha ugu fiican ee looga hortegi karana waxaa ka mid ah in qofku uu qorsheeyo qaabkiisa cunto ee Ramadaanta, kuna dadaalo in afurku uu khafiif ahaado, cabbitaankana uu aad u badsado si uu isaga ilaaliyo qallaylka inta badan xilliga Ramadaantii dadka ku dhaca.

Dr. Sacad waxa uu ku talinayaa in ay fiican tahay in qofku uu muhiimad siiyo cunista suxuurta, waayo muddo badan ayaa uu qofku cuntada ka maqnaanayaa, taasina khatar caafimaad ayaa ay jidhka ku leedahay, gaar ahaan xilliga Xagaaga ee ay Ramadaan sannadkan ku soo beegantay, xilligan oo sidiisaba qofka ku keena qallayl badan iyo burbur, waxaa fiican in qofku biyo aad u badan cabbo inta u dhexeysa afurka iyo waqtiga hurdada, in uu ka dheeraado cuntooyinka milixdu ku badan tahay, afurka iyo suxuurta labadaba, in uu iska ilaaliyo bunka iyo cabbitaannada leh maadadda Caffeine oo shaaha laftiisuuna ka mid yahay.

Dr. Cabdifataax waxa uu ku baraarujinayaa dadka sooman in ay lagama maarmaan tahay in ay ka fogaadaan cuntooyinka dufanku ku badan yahay oo inta badan dhibaato ku keena caloosha, in ay isticmaalaan saliid saytuun ama saliidaha kale ee aan dufanka xoolaha lahayn iyo in uu ka dheeraado sonkorta badan.

Xilliga suxuurtana waxa uu ku talinayaa cuntooyinka barootiinta ah ee ay ka mid tahay cuntada firiga ah sida sarreenka, in la cabbo koob badhkii oo ah sharaab khudrad laga miiray, ama xabbad khudrad ah badhkeed, sida tufaaxa. Marka ay afurka tahayna waa in uu noqdaa cunto aad u fudud, sida saddex xabbo oo timir ah, koob badhkii oo sharaab liin macaana ah, koob shurbad khudrad laga sameeyey ah, intaas ayaa ku filan in ay soo celiso Gulukoostii uu jidhku ku waayey soonka, sidoo kale waxa ay cuntadani qofka ka xakamaynaysaa amateedka badan iyo in aanu cunto badan qaadan xilliga cashada.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!