Tacriifadaha Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dhowrka Jeer Laban-Laabtay Muddadii Ay Talada Haysay Iyo Culayska Ay Nolosha Muwaadiniinta Ku Keentay

0
584

Picture7Hargeysa(Geeska)-Iyadoo uu Madaxweyne Silaanyo oo bartay cilmiga dhaqaaluhu wakhtigii uu mucaaradka ahaa ku doodi jiray inaanay xukuumadiisu cashuuro dheeraad ah saari doonin dadka danyarta ah, marar kala duwanna wasiirkiisa maaliyaddu ku celceliyey arrintaas, ayaa haddana mudadii ay xukuumadiisu jirtay waxay culayso cashuureed dulsaartay meelo badan oo qaarkood aanay awoodi Karin

Buugga Miisaaniyada qaranka ee sannadkii 2013 ee dhammaaday, ayaa waxa ka muuqata meelo badan oo ay xukuumadu dhawr goor laban laabtay cashuurtii laga qaadi jiray, taas oo ay laakiin golaha wakiiladu u ansixiyeen. Tacriifada sannadka dhammaaday ee 2013 oo wax lagu kordhiyay mooye aan waxba laga dhimin sannadkan cusub ee 2014, waxa meelaha cashuurta culayska leh la saaray ka mid ah qodashada berkadaha oo laga qaadi jiray 10,000 (Toban kun oo shilin) balse laga dhigay 150,000 (Boqol iyo konton kun oo shilin) taas oo sida muuqata la kordhiyay in ka badan kun jeer. “Sida caadadadu tahay waxa wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyay tacriifadaha dawladu qaado sannadkiiba hal mar. Sidaas darteed waxa sannadkan (Miisaaniyadda 2013) la isla qaatay in wax ka bedel lagu sameeyo tacriifadaha cashuuraha waana sidan soo socota.” Sidaas ayay wasaaradda maaliyadu ku tidhi warbixinteeda miisaaniyadda ee ay golaha wakiilada u gudbisay 26/12/2012 oo ah tacriifadaha cashuuraha ee sannadkan dhammaaday ee 2013.