Xukuumadda Oo Burco Ka Soo Xidhay Badhasaab-xigeenkii Hore Ee Togdheer Iyo Xaaskiisa Oo Ka Warantay Sidii Loo Qabtay

0
673

Burco(Geeska)-Badhasaabku xigeenkii ugu danbeeyay  xukuumaddii Daahir Rayaale ee gobalka Togdheer Guuled Daahir Samatar, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii saqdii dhexe ee habeen hore ay gurigiisa Burco ugu daateen ciidamadda RRU-da loona soo qaaday dhanka magaaladda Berbera oo uu ku xidhanyahay.

Xaaska Guuleed Mawro Ifraax Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in goordanbe oo habeenimadii ah ay ciidamadda RRU-du u soo daateen gurigeeda, isla markaasa ay xidheen Guuleed, dhibaatooyina u gaysteen iyada iyo caruur ay dhashay. Xadhiga siyaasigan ayaa ku soo b eegmaya iyadoo uu magaalada Burco ku suganyahay wefti uu hoggaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Badhasaabku xigeenkan hore ayaa ay wararka qaarkood xadhigiisa ku xidhiidhinayaan mudaharaadkii rabshadaha watay ee dhawaan ka dhacay magaaladda Burco.

Marwo Ifraax Diiriye Cawad oo wargeyska Geeska Afrika ugu waramysay gurigeeda waxa ay tidhi “Waxa nala kulantay mucjiso aad u wayn,Guuled ciidanku umay yeedhin ee xalay saqdii dhexe (Habeen hore) abaaro 02:00 habeenimo ayay sidii filimaanta noo soo daateen,anigu markii aan ciidanka ku toosay indhaha ayaa dhirbaaxo laygala dhacay,afar ka mid ah caruurtaydii ilaa imika koomo ayay ku jiraan,markii anaga si kasta naloo galay ayaa Guuleed Daahirna la kaxaystay,ciidanka waxa soo diray oo amarka soo bixiyay wasiirka madaxtoyada xirsi, Siilanyo waxaan leeyahay waxyabihii ay shacabka reer Somaliland ka dagalameen ee dowladii Siyaad Bare ku samaysay ayay maanta dowladadii wadaa.”

Xadhiga badhasaabku xigeenkan hore ayaa ku soo beegmaya iyada oo mudaharaad lagaga soo hor jeedo wafti uu jogaaminayay wasiirka madaxtooyadu uu ka dhacay magaaladda Oodweyne.

Xadhiga badhasaab xigeenka hore ayaa dareen ka abuuray magaalada Burco, waxaana tan iyo shalay ilaa xalay si weyn ay magaalada Burco ugu sheekaysanaysay xadhiga siyaasigan oo ka mid ah dadka bulshada sida weyn u dhex gala.