Soonka Iyo Sixada (22): Marka Hooyada Ilmuhu Jaqo Loo Ogolyahay Soonka Iyo Marka Uu Khatarta Ku Yahay

46
2636

Hargeysa (Geeska)- Soonka hooyada ilmaha naaska jaqsiisaa waxa uu ka mid yahay arrimaha la isugu weydiinta badan yahay xilliga bisha soon. Arrimaha sida gaarka ah su’aashu uga taagan tahayna waa raadka uu uu soonku ku yeelan karo ilmaha naas-nuugga ah caafimaadkiisa, iyo caafimaadka hooyada la jaqayo.

Waxa ay dhakhaatiirta takhasuska ah sheegayaan in soonka loo ogolyahay hooyada ilmuhu nuugayo, ee aan lahayn wax xanuun ah oo ay la nooshahay, sida macaanka iwm. Waxa se lagula talinayaa in xilliga afurka ay ku dadaasho cuntooyinka iyo cabbitaannada magdhow uga noqon kara wixii ay soonka ku weyday. Marka ilmuhu uu lix biood ka weyn yahayna waa ay ka sii fiican tahay, maadaama oo ilmuhu marka uu da’dan gaadho aanu ku noolayn naaska hooyada oo keliya.

Marka aan soonka loo ogolayn

Waxa ay dhakhaatiirtu tiriyaan xaalado aan hooyada ilmuhu jaqayo loo ogolayn in ay soonto, ama loo ogolyahay caafimaad ahaan, laakiin aanay fiicnayn sababo la xidhiidha caafimaadka ilmaha awgood. Waxa aana ka mid ah:

Marka da’da ilmaha hooyada jaqayaa ay ka yar tahay 6 bilood, weliba uu yahay ilme naaska oo keliya ku nool, oo aanay hooyadu caanaha kale ee masaasadda siinin.

Hooyada ilmuhu jaqayo ee qabta xanuunnada la’ la noolaado, gaar ahaan macaanka, dhiigga oo dhaca iwm, iyadana waxaa u fiican in aanay soomin.

Haddii hooyada ilmuhu jaqo ee soontaa ay aragto xaddigii caanaha naaskeeda oo yaraaday, noocii ama tayadii caanaha oo isbeddel ku yimi ama miisaankii iyo koritaankii ilmaha oo laga dareemay in uu yareeyey xawaarihii dabiiciga ahaa ee uu ku socday, waxaa hooyada u fiican in aanay soomin.

Haddii hooyadu marka ay itaalkeeda is qiimayso ay soonka uga baqato caafimaadka nafteeda iyo ilmaheeda, ama ay raad arrintaas la xidhiidha ka dareento naas nuugista ilmaha, waxaa u fiican in ay joojiso soonka oo ay dib ka qallayso.

Talooyinka afurka

Hooyada ilmaha jaqsiisa ee haddana soomaysaa waa in ay xilliga afurka cuntaa cuntooyin cilmi ahaan loo hubo in ay caafimaadka u fiican yihiin, isu dheellitiran yihiin isla markaana ay ka helayso dhammaan baahiyihii cunto ee ay u baahnayd.

Waa in ay afurka ku bilowdo koob biyo ah ama koob caano aan dufan lahayn ah, kaddibna a ycunto sadde xabbo oo timir aan waaweynayn ah, ama xabbad nooc uun khudradda ka mid ah, sida xabbad tufaaxa. Waa in ay cuntada afurka ku bilowdo mishaali/shurbad si ay caloosha u dejiso uguna baraarujiso shaqada, waa in ay cunto dawooyinka iyo cuntooyinka dhammaystira nafaqooyinka ka dhiman cuntada rasmiga ah, waa in ay cabto ugu yaraan 2 illaa 3 litir oo biyo ah.

Waa in ay afurka iyo suxuurta dhexdooda dhowr jeer cuntooyin yaryar cunto; ka dheeraato cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’ sida bunka; ka dheeraato sharaabbada qasacadaysan, oo ay ku beddelato cuntooyin leh gal sida khudradda dabiiciga ah oo sharaab laga dhigay. Waa in ay ka fogaato cuntada milixda badan leh iyo cuntada shiilan ama dufanku ku badan yahay.Haddii ay maalintii dararto (Caano naaska ku soo dhacaan) xilli aan ilmuhu u baahnayn, waa in ay listo naaska kaddibna caanaha ku ilaaliso tallaagada si ay mararka dambe ilmaha u siiso.

Talooyinka Suxuurta

Hooyada ilmuhu jaqo ee doonaysa in ay soontaa waa in ay aad u dib dhigto suxuurta, biyo aan ka yarayn 2 litir cabti inta u dhexeysa suxuurta iyo afurka, iska ilaaliso cabbitaannada maadadda ‘Caffeine’ leh.

Waxaa fiican in ay ku suxuurato cuntooyinka ‘Kaarboohaydaratka’ leh, oo la ogyahay in jidhku uu ka helo tamar badan; waxaa ka mid ah kimista iyo khubuska ka samaysan qamandiga ama midhaha la midka ah, in ay cunto cunto barootiin badan leh, si aanay maalinnimada u gaajoon. Waxaa ka mid ah beedka iyo caanaha iyo cuntooyinka laga sameeyo.

Waa in ay k udadaasho in ay cunto khudradda leh ganka, ee calool istaagga ka ilaalin karta isla markaana macdanaha badan jidhka gelinaysa; in ay ka fogaato cuntooyinka dufanku ku badan yahay, sida cuntada degdegga ah, (Beegarro iyo Saanqiijyo) iyo cuntada sonkortu ku badan tahay, waayo waxa ay kordhiyaan harraadka iyo gaajada.

Waa in laga dheeraado cuntooyinka hodanka ku ah dufankasida cuntada milixda iyo khalku ku badan yihiin iyo cuntada shiilan oo keena gaajo iyo harraad badan, taas beddelkeedana waa in ay k udadaasho cuntooyinka caanaha badiya sida boorashka iyo xulbadda.

Marka ay tahay in ay soonka joojiso

Hooyada ilmuhu jaqo ee soontaa waa in ay soonka joojiso, marka ay dareento; madax xanuun badan, indha madoobaad, ama dawakhaad, dhiigga oo hoos u dhacay, macaankeeda oo hoos u dhaca, koritaanka ilmaha miisaankiisa oo ay aragto in soonku saamayn ku yeeshay iyo marka ay isku aragto xaalad kasta oo caafimaad darro oo aan dabiici ahayn. Weliba markan dambe waa in ay dhaqso dhakhtarka ula xidhiidho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here