Qisada: Soomaali Afduub Lagu Eedeeyey Oo Kanada La Geeyey, Kaddib Markii Lagu Khiyaameeyey Heshiis Been Ah

55
3305

Kamaal A. Cali  (Q. 2aad)

Bishii Saddexaad 21 keedii 2012: Sarkaalka booliiska ahaa waxa uu Cali u soo jeediyey fikir ah in heshiis ay kala saxeexdaan labadoodu; heshiiskaas oo ah wakaalasho uu Cali u ogolaanayo AK in uu wakiil uga noqdo buuggiisa, sii uu awood sharci ugu yeesho dhammaystirka heshiiska daabacadda buugga ee shirkadda la’ la gelayo.

Bilihii xigay oo dhan, Cali Cumar Adeer waxa uu ka shaqaynayey dhammaystirka buuggiisa, isaga AK u diri jiray nuskhado muujinaya tusmada iyo hadba cutubyada uu dhammeeyo ee buugga uu qoraalkiisa waday ka mid ah.

Ugu dambayntii AK waxa uu Cali u muujiyey in sheekadu gebogebo marayso, sidaa awgeed waxa uu u soo jeediyey in ay kulmaan oo uu Cali si rasmi ah AK ugu saxeexo heshiis wakiilasho oo labadooda u dhexeynaya. Waxa uu ka dhaadhiciyey in si uu wadaxaajoodka heshiiska daabicista u sii wado, suuqgeyntana uga masuul noqdo, ay qasab tahay in AK uu haysto dhukumanti caddaynaya in ninka buugga lihi uu wakiishay.

Kulankan oo noqonayey kii ugu horreeyey ee dhex maray Cali iyo sarkaalka dharcadka ah, waxa ay ku heshiiyeen in uu ka dhaco meel Soomaaliya ka baxsan, oo uu soo sheegi doono AK. Cali waxa uu aaminsanaa in Kulanka kharashka ku baxaya uu bixinayo AK, goobta la tegeyo iyo sifada sharci ee lagu tegeyana AK uu soo dhammaystirayo.

Bishii Afaraad 2012: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu Cali Cumar Adeer u soo sheegay in kulankoodu uu noqonayo magaalada Dubai dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Ballantaas waa uu aqbalay Cali, laakiin muddo bilo ah ayaa aanay haddana xidhiidhin. Bishii sagaalaad 11 keedii, sannadkii 2012 ka, ayaa uu Cali sarkaalka booliiska ah u diray farriin email ah, oo uu ku soo weydiinayo in ballaantoodii halkeedii tahay. Jawaabta uu sarkaalku u soo dirayna waxa ay noqotay in ballanta hawsheedii uu ku jiro. Waxa kale oo uu sarkaalku u sheegay Cali in looga baahan yahay nuskhad dhammaystiran oo ka mid ah buugga uu doonayo in uu qoro, si ay shirkadda daabicista ula bilaabaan wada xaajoodka kama damabysta ah. Laakiin Mar dambe ayaa uu haddana sarkaalkii booliiska ahaa Adeer ku wargeliyey in uu bisha shanaad u bixi doono Hindiya, waxa aanu u soo jeediyey in halka ay ku kulmayaan ay noqoto jasiiradda Mauritius oo uu ugu sheegay meel nasashada iyo raaxada ku fiican.

31kii Bishii Shanaad ee 2013 ka, ayaa sarkaalkii dharcadda ahaa iyo Cali ay degeen kuna kulmeen huteelka raaxada ee Hilton. Booliiska Kanada ayaa bixiyey kharashka ku baxay safarka Cali, oo ay ku jiraan tigidhka diyaaradda, kharashaadka kale ee safarka iyo hudheelka oo aad qaali u ahaa. Sarkaalka oo markii dambe ee Cali maxkamadda la geeyey, maragga ku furay, ayaa marka uu ka sheekaynayey kulankaas ugu horreeyey ee ay ku yeesheen Mauritius, waxa uu sheegay in Cali aad ugu farxay kulankaas, “Waa uu dhoolla caddaynayey, markii aanu kulannay waa uu igu dhegey oo aanu hab isa siinnay” ayaa uu yidhi, isaga oo intaas ku sii daray, “Aad iyo aad ayaa uu ugu faraxsanaa in uu i arko”

Kulan quraac ah oo ay huteelka ku yeesheen ayaa uu Cali ku saxeexay dhukumanti caddaynaya in uu wakiishay AK. Isla kulankan waxa uu Cali u sheegay sarkaalka dharcadda ahaa, in sheekada afduubka aanu marka hore ka mid ahayn, balse uu dhowr saacadood kaddib afduubka, soo geliyey mid ka mid ah ragga Amanda Lindhout afduubay. Waxa uu sheegay in kooxda afduubku ay ka codsatay in uu u noqdo afceliye (Turjumaan) iyo dillaal / mukhallas kooxda afduubka metela si ay iyaguna khidmad u siiyaan. Laakiin Cali waxa uu qirtay in markaas wixii ka dambeeyey uu noqday, ‘Maskaxda’ ay ku socoto kooxda afduubku. Cali waxa uu sheegay in uu isagu la haystayaasha ka duubay muuqaalkii fiidyowga ahaa ee talefishanka Aljazeera sii daayey, isla markaana isagu ka shaqeeyey in cajaladdaas Fiidyowga ahi gaadho talefishanka. Kulankaas ka dhacay jasiiradda Mauritius ayaa ay Cali iyo AK ku kala saxeexdeen heshiiskii wakaalashada buugga, oo uu ku jiro qodob sheegaya in heshiiskani uu yahay sir labadooda oo keliya u dhexeysa. Kaddib waxa uu Cali dib ugu soo noqday Soomaaliya. Illaa markan Cali Cumar Adeer ma’ uu dareemin in cidda uu la ballamay ay tahay booliiska federaalka ee Kanada, oo ay iyagu ka soo shaqeeyeen sharciga uu ku tegeyo Mauritius iyo tigidhka diyaaradda uu Soomaaliya ka soo raacay.

Waxaa ka maqnayd runta ah in booliiska Kanada ay xidhiidh gaar ah la sameeyeen maamulka jasiiradda Mauritius, si loo fududeeyo safarka Cali. Waxa uu AK u haystay saaxiib caawinaya, ama nin dillaalis u socda. Waxa uu ku dagmay hadalka uu AK u sheegay ee ay ka mid tahay, in uu dalka Kanada ku leeyahay shirkad latalinta iyo warisgaadhsiinta ka shaqaysa oo guulo badan ka gaadhay shaqadeeda, magacna ku leh dalka. Waxa uu u sheegay in ujeedada caawintiisani ay tahay in ay kala shaqaystaan, maadaama oo sida uu sheegay ay shirkaddiisaasi khidmad u goosanayso boqolkiiba 15, ka mid ah faa’iidada ka soo baxda buugga uu sheegay in lacag badan laga helayo. Sidaa awgeed Cali cabsidii oo dhan ayaa ka baxday, si buuxdana waa uu u aaminay AK, waana sababta uu si xor ah oo faahfaahsan uga sheekeeyey kaalinta uu ku lahaa afduubka Amanda Lindhout iyo ninka ay wada socdeen.

Booliiska Kanada hababka baadhista ee uu isticmaalo waxaa ka mid ah, hab isagu uu hal abuuray oo lagu magacaabo, ‘Xeeladda Kanadiyaanka’ oo ah habraac baadhiseed uu caan ku yahay; Baadhayaasha booliiska ayaa iyaga oo cid kale sheeganaya dembiilaha la samaynaya xidhiidh aakhirka sabab u noqonaya in dembiiluhu uu kalsooni u qaado isaga oo aan ogeyn in ay booliis yihiin. Waxa aanu ka warramayaa sheekooyin marag u ah in uu dembiga lagu tuhmayey ku jiray.

Hababkaas waxaa ka mid ah in booliisku uu dhiso kooxo iyo shirkado arrimo sharcidarro ah ka shaqeeya, kaddibna qofka lagu casuumo in uu xubin ka noqdo, sida xadista khadadka taleefannada, bangiyada iyo iibka hubka iwm. Hadallada maragga ah ee uu ka warramo ayaa laga duubayaa, kaddibna maxkamadda lagu geynayaa eedaysanaha.

Qareenka difaacaya Cali ayaa sheegay in booliiska Kanada uu habkaas u raacay fashilinta dembiilenimada Cali. “Waxa ay sameeyeen basaas Cali u sheegtay in uu leeyahay shirkad buugaagta daabacda.” Ayaa uu yidhi qareenku.

Cali kalsooni aad u badan ayaa uu u qaaday sarkaalkan dharcadda ah ee uu isagu rayidka moodayey, mar kasta oo ay xidhiidhayaanna waxa uu ku sheegi jiray, ‘Walaalkii’ ama ‘Saaxiibkiisii koowaad”

Bishii laba iyo tobnaad ee 2013 ka: ayaa sarkaalka booliiska ahaa waxa uu Cali u sheegay in uu dhammaaday wada xaajoodkii daabicista buugga ee uu shirkadda kula jiray. Waxa keliya ee hadhayna uu yahay in heshiiskii kama dambaysta ahaa kala saxeexdaan shirkadda iyo qoraaga buuggu. Farriinta uu Cali Cumar u soo diray ayaa uu AK ku sheegay in ay qasab noqonayso in uu yimaaddo Kanada oo uu isagu heshiiska saxeexo, waxa aanu ugu bishaareeyey in marka uu heshiiska saxeexo la siin doono 10 kun oo doolar oo hormarin ah. Intaas kuma uu koobnaan ee Sarkaalka booliiska ah oo iska dhigaya nin u soo dabcay codsiyada aan kala joogsiga lahayn ee uu Cali kaga baryayey in uu ka caawiyo sidii uu Kanada magangelyo uga heli lahaa, waxa uu u sheegay in lacagta xad dhaafka ah ee uu buuggaas ka heli doonaa ay xal u noqon doonto dhibaatadaas. Isaga oo ku hunguri geliyey in marka uu Kanada hawsha saxeexa u yimaaddo uu isku dayo in uu magangelyo dalbado.

Laba sano ayaa uu AKA hakiyey xidhiiidhkii uu la’ lahaa Cali, laakiin booliiska Kanadana weli kama uu daalin qabashada Cali Cumar. Sababta ugu badan ee ay u dabasocdaan ma’ay ahayn in ay qabtaan oo keliya, balse waxaa la doonayey in saaxiibtinimada Cali iyo AK adkaato, kaddibna uu Cali ka sheekeeyo arrimo la xidhiidha afduubkii Amanda Lindhout, si hadhow hadalladaasi u noqdaan marag maxkamadda la horgeeyo. Waana sida ay ugu dambayntii u dhacday.

Mar dambe ayaa uu AK la soo hadlay Cali, waxa aanu u sheegay in xanuun wadnaha ahi ku soo booday, oo uu sababtaas awgeed dhakhtar u galay. Sababtaasna ay u hakatay hawshii buugga ee uu la waday. Waxa se uu u ballanqaaday in marka uu ka soo reeyo ay dib u bilaabi doonaan.

Runtu waa ay ahayd in AK aanu wadne xanuun helin, wax dhibaato caafimaad ahina ku iman. Balse markii uu booliiska Kanada dhammaystirtay caddaymihii uu ka urursanayey Cali, ee uu hubsaday in uu marag buuxa haysto, waxaa timi su’aasha ah, sidee ugu habboon sharci ahaan ee Cali lagu keeni karaa dalka Kanada. Sababta uu AK u hakiyey geeddisocodkii wada xaajoodku waxa ay ku timid dalab ka yimi xeeldheereyaasha booliiska oo dejinayey habka ugu fiican farsamo ahaan iyo sharci ahaa ee ninkan lagu keeni karo Kanada.

9kii Bishii lixaad, 2015: Ayaa ugu dambayntii Cali la keenay Kanada, waxa uu ka soo degey garoonka diyaaradaha ee tuulaha Halifax, kaddib diyaarad gaar ah ayaa toos loogu qaaday illaa magaalada Ottawa ee caasimadda Kanada.

Cali weli waxa uu u haystaa in hawsha uu Kanada u yimi ay tahay in la dhammaystiro saxeexa daabicista buuggiisa. Waxaa Ottawa ku soo dhoweeyey AK oo ay ku kulmeen huteel la dejiyey oo ku yaalla garoonka diyaaradaha.

Kulankan, AK waxa uu Cali u sii qaaday nuskhad ka mid ah buugga ay qortay Amanda Linhout oo uu hadyad soo dhoweyn ah uga dhigay. Ninkii Cali markii uu buuggii Amanda arkay ayaa uu furfurmay. Waxa uu sarkaalka dharcadda ah uga sheekeeyey wax badan oo kale oo ku saabsan afduubkii Amanda iyo ninkii ay jaalka ahaayeen. Waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu la kulmo Amanda Lindhout oo uu raalli gelin buuxda ka siiyo kaalintii uu ku lahaa afduubkeeda. Sarkaalka booliiska ah oo sida aynu hore u soo aragnay bilowgii sheegtay in uu wakiil u yahay Amanda Lindhout iyo qoyskeeda, ayaa si uu Cali ugu sii dhiirrigeliyo in uu faahfaahin dheeraad ah bixiyo, waxa uu u sheegay in gabadhaasi ay mar horeba cafiday.

Bishii Lixaad tobankeedii, 2015 kii: Sarkaalkii dharcadda ahaa iyo Cali ayaa mar kale kulmay. Waxa ay ku kulmeen qolka shirarka ee huteel ku yaalla magaalada Ottawa. Laakiin markan Kulanku labadooda oo keliya ma’ uu ahayn. Sarkaal kale oo ka tirsan waaxda dembi baadhista ee booliiska Kanada ayaa ku soo biiray kulannada Cali iyo AK. Sarkaalkan dharcadda ah ee cusub magaciisa waxaa Cali loogu sheegay ‘Chris’ oo ah agaasimihii shirkadda daabacaysa buugga.

AK waxa uu Cali u sheegay in shirkadda daabacista uu magaceedu yahay ‘Catalina Publishing’ laakiin waxaa xiise leh in shirkadda lafteedu aanay jirin oo uu magacani ahaa mid been ah oo uu booliisku sameeyey.

Qolka uu ka dhacayey shirkan saddex geesoodka ah waxaa lagu rakibay kamarado maqal iyo muuqaal ah oo qarsoodiya. Markii la wada fadhiistay, waxaa lagu bilaabay isbarashadii; oo ah in Cali Cumar uu yahay qoraaga buugga, halka uu AK isku sheegay wakiilka Cali Cumar ee hadda kaddib hawsha buugga la sii wadi doona shirkadda daabicista. Chris, waxa uu isaguna isku sheegay agaasimaha fulinta ee shirkadda ‘Catalina Publishing’. Intaas kaddib, Chris ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyey heshiiska daabacista buugga ee ay ka doonayaan, oo ay ku jirto qaabka lacagta loo kala qaadanayo, cidda yeelanaysa xuquuqda daabacista buugga, sida uu noqonayo xaqa lahaanshiyaha ee buugga iyo waxa burin kara, iyo sida wixii muran ah ee soo baxa lagu kala baxayo. Lacagta guud ee buugga laga siinayo Cali oo 234 kun oo doolar ahayd, ayaa waxaa heshiiska ku jiray in 10 kun oo xaqal qalinka saxeexa ah la markaba la siinayo Cali.

Intaas oo keliya Cali lagalama hadlin, ee waxa uu sarkaalka booliiska dharcadda ah ee ‘Chris’ kala sheekaystay suurtagalnimada in mustaqbalka ay galaan heshiisyo buugaag kale uu qorayo Cali iyo weliba in filim dhukumanteri ah ay ka sameeyaan qisada afduubkuu Amanda Lindhout. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here