Soonka Iyo Sixada (19): Soonka Hooyada Uurka Leh Iyo Talooyinka Ku Habboon In Ay Dhowrto

Published on Jun 06 2018 // Googooska Geeska

 

Hargeysa (Geeska)- Shareecada Islaamku waxa ay hooyada uurka leh fursad u siisay in ay soonka iska dayso oo ay dib ka qallayso. Cilmiga caafimaadkuna waxa uu uga digay in ay soonto. Laakiin haddiiba ay dhacdo in ay ka faa’iidaysan weydo fursadda shareecadu siisay, una dhego nuglaan weydo digniinta dhakhaatiirta, oo ay soonto, waxaa qasab noqonaysa in la siiyo talooyinka ku habboon ee ka caawinaya in ay soonkaas u gudato sida ugu dhibta yar iyada iyo ilmaha uurka ku jira labadaba. Ugu horreyn, marka ay go’aansato in ay soonto, waa in ay la tashato dhakhtar xaaladdeeda dhinaca uurka hore ula soo socday. Mar labaad waa in ay ku dadaasho ku dhaqanka talooyinkan ay dhakhaatiirtu bixiyeen.

Goormaa loo ogolaan karaa?

– Marka uu dhakhtarku caddeeyo in ay awoodi u leedahay af xidhnaanta iyo in aanay jirin sabab caafimaad ama xaalad caafimaad oo diidaya in ay soonto.

– Marka uu dhakhtar takhasus ahi hubiyo in saacadaha badan ee af xidhnaanta hooyada uurka lihi aanay khatar ku keenayn ilmaha uurka ku jira.

Goorma ayaa aan loo ogolaan karin?

– Marka ay hooyadu qabto xanuunka ‘Macaanka uurka ku lammaan’ waxaa fiican in aanay soomin.

– Marka ay hooyadu leedahay matag farabadan, oo inta badan ah bilowga hore ee uurka, waxaa fiican in aanay soomin, waayo waxaa la ogyahay in mataggu uu jidhkeeda ka saarayo dareere badan, kana dhigayo ingag, u baahan cabbitaan badan.

– Marka hooyada uurka leh aanu fadhiyin wareegga dhiiggeedu, oo tusaale ahaan marka uu doono si kedis ah u kacayo, haddana si lama filaan ah hoos ugu dhacayo. Xaaladdaas oo hooyooyinka uurka leh mararka qaarkood lagu arko ayaa qasbaysa in hooyadu ay soonka iska deyso.

– Hooyada uurka leh ee isku aragto garaac badan iyo xanuunka foosha iyada oo aanu weli sidkeedu go’in, sidaa awgeedna dhakhaatiirtu ka dalbadeen in ay cunto dawooyinka loo cuno xaaladdaas.

– Hooyada uurka leh oo qabta mid ka mid ah xanuunnada la’ la noolaado, sidaa awgeed qaadata dawo joogto ah.

Afurka

– Hooyada uurka leh ee soonta waxaa laga rabaa in ay ku afurto cunto caafimaadka u fiican, isu dheellitiran isla markaana daboolaysa dhammaan baahiyaha cunto ama nafaqo ee ay leedahay.

– Afurka ha ku bilowdo koob biyo ah ama caano aan dufan lahayn ah, oo ay la qaadanayso saddex xabbo oo timir ah ama xabbad midho (Khdurad) ah, sida tufaaxa.

– Ha cabto koob shurbad / mishaalli ah, si ay u dejiso caloosha, dheefshiidkana ugu baraarujiso in uu isu diyaariyo shaqo.

– Cabbitaan aan ka yarayn 2 illaa 3 litir maalin kasta inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta.

– Afurka iyo suxuurta dhexdooda oo ay dhowr jeer cunto cuntooyin yaryar.

– In ay iska ilaaliso cabbista bunka iyo dhammaan cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’

– In ay ka fogaato sharaabbada qasacadaysan iyo macmacaannada, kuna beddelato cuntooyinka galka leh ee ay noocyada khudraddu ka mid yihiin.

– In ay ka fogaato cuntooyinka milixda ama khalka badan leh iyo cuntooyinka shiilan ama dufanku ku badan yahay.

Suxuurta

– Suxuurta oo aad loo dib dhigo; cabbitaannada caffeine ta leh oo laga dheeraado; cuntooyinka leh ‘Kaarboohaydaraytka oo la raadsado, si jidhku uga helo tamar; Cuntooyinka barootiinta leh oo la badsado, si jidhku uga helo awood uu ugu adkaysto gaajada maalintii. cuntooyinka barootiinta leh waxaa ka mid ah beedka iyo caanaha. Dhammaan waa u muhiim suxuurta.

– Hooyada uurka leh ee soontaa waa in ay cunto khudrad badan iyo cunto macdano iyo nafaqo leh, waa in ay iska ilaaliso calool istaagga. Waa in ay ka dheeraato cuntooyinka leh dufanka ama macaanka badan oo labadub harraad keena. Iyo cuntooyinka milixda badan ama shiilan oo iyaguna badiya gaajada iyo harraadka.

Jebi soonka

Hooyada uurka leh ee soomani haddii ay isku aragto xaaladaha hoos ku qoran waxaa la gudboon in ay dhaqso soonka u furto. Waxaa ka mid ah;

– Haddii ay dawakhaad dareento, ama miyir beesho, iyo haddii ay dareento taagdarro badan iyo ingag / biyo la’aan badan.

– Haddii ay isku aragto yalaalugo iyo matag badan, waa in ay soonka jebisaa.

– Haddii ay dareento in makaanku uu xanuun / casiraad badan samaynayo.

– Haddii ay aragto in miisaankeedu si xawli ah ugu kordhay soonka ama si xawli ah hoos ugu dhacay.

– Haddii ay dareento madax xanuun badan ama xummad. Dhammaan waa qodobbo kallifaya in ay soonka joojiso.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!