Duruusta Ku Laaban Habnololeedka Qudhaanja Iyo Mucjisada Ku Jirta Dawladnimadeeda (Qaybta 2aad)

35
3506

Hargeysa (Geeska)- Qayb kale oo ka mid ah qormadii aynu ku eegaynay qaar ka mid ah habdhaqannada iyo dabeecadaha maamul ee qudhaanjada:

Noocyada qudhaanjada ee aynu hore u soo sheegnay, nooceeda hore waxa ay saynisyahannada baadhay ku tilmaameen ilaalada kadimada boqortooyada, sababtuna waa qaabka madaxeedu u samaysan yahay ee koofiyadda la moodo iyo shaqada ay qabato oo ah in ay xidho kadimada laga galo godka, nooca kale oo maadadda kiishadaha ugu jirtaa ay sun tahay.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in qudhaanjadani isqarxiso, haddii ay aragto in degmadooda ay soo weerartay qudhaanjo kale ama xasharaad kale oo ka awood badani. Inta ay jidhka is geliso, oo ay qaarka dambe joog quman ku istaajiso, ayaa ay cadaadis ku qarxisaa qanjidhadii ama kiishadii ay lahayd, waxa aana ka soo baxa dareere is jiidanaya oo sun ah, kaas oo hawada si dhaqso ah ugu firdha, dhaqsana u dila cadowga, laakiin sidaas ayaa ay ku dhimanaysaa qudhaanjada is qarxisay. Alain Fraval oo ah khabiir Faransiis ah oo ku xeeldheer nolosha xasharaadka ayaa mar uu ka hadlay is qarxinta qudhaanjadan waxa uu yidhi, “Xasharaadka iyo xayawaannada kale ee dunidaba dhif ayaa ay ku tahay in lagu arko kuwo aargoosi isu qarxinaya”

Aaska maytida

Saynisyahanno cilmibaadhis ku sameeyey qudhaanjadu waxa ay ogaadeen in boqoradaha qudhaanjadu ay dhaqan u leeyihiin in ay xabaalaan qudhaanjada ka dhimata boqortooyada. Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in sababtu ay tahay qudhaanjada oo ilaalinaysa badqabka boqortooyada, maadaama oo ay ka cabsi qabto in qudhaanjada dhimatay uu ku dhacay cudur laga yaabo in uu dhaqso u faafo. Haddii qudhaanjadu weydo meel dhaqso ah oo ay ku aasto, qudhaanjada dhimatay, waxa ay samaysaa in ay qaniinyo ku googooyso qudhaanjada dhimatay, kaddibna iyada oo waslado yarayr ah daadiso.

Baadhitaanno dheeraad ah oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal caalamiya ayaa iyaguna daahfuray in qudhaanjada nooceeda caddaanka ahi aanay lahayn kiish dabiici ah oo ay qarxiso. Taas beddelkeedana waxa ay samaysaa kiishado ay afkeeda ku tosho, waxa aanay ku dhaamisaa maaddooyin ay iyadu isu keentay oo sun ah’. Kiishadahaas suntu ku jirto ayaa lagu raraa qudhaanjada difaaca ah si ay qudhaanjada iyo xasharaadka kale isugu qarxiso haddii ay weerar ku soo qaadaan boqortooyada. Waxaa xusid mudan in qudhaanajda da’ ahaan gabowday ay tahay ta lagu rarayo kiishadaha qarxaya, si ay isu qarxiso haddii cadow ka awood badani soo weeraro boqortooyada.

Sababta qudhaanjada gabowday hawshan loogu doortay ayaa ay saynisyahannadu ku sheegeen in ay la xidhiidho qudhaanjadan oo ay boqortooyadu u aragtay in aanay hawl kale u qaban karin degmada, sidaa awgeed iyada laga rabo in ay nafteeda u hurto nolosha kuwa degmada waxtaraya. Tusaale ahaan qudhaanjadu marka ay gabawdo waxaa daciifa awoodda ay u leedahay in ay soo qadhaabto, taagdarrada da’da iyo ilkaheeda oo amlas noqda awgeed. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here