Hay’ad Caalami Ah Oo Farmaajo Ugu Baaqday Inuu Wada Hadal La Bilaabo Madaxweynaha Somaliland Iyo Dawladda Imaaraadka Carabta

38
3488

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Ururka xasaradaha caalamiga ICG ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu wada hadalo la yeesho dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda Somaliland.

Warbixin dheer oo ay hay’adu soo saartay oo ay kaga hadashay saamaynta uu khilaafka dalalka khaliijku ku yeeshay gobalka Geeska Afrika, waxay hay’adu qayb ka mid ah warbixintaas ugu baaqday Mr. Farmaajo inuu wada hadal la furo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana uu la qaato kulan, si ayay tidhi warbixintu uu ugu muujiyo niyad wanaag.

Waxa kale oo ay warbixintu Madaxweyne Farmaajo u soo jeedisay in cod dheer uu ku sheego inuu diyaar u yahay wada hadal toos ah oo uu la galo Immaaraadka kana dalbado Sacuudiga inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac. Waxaa taasi suuragelin karta ayay warbixintu tidhi  in lacagtii Imaaaraatka ee ay dawladiisu  qabsatay lagu bixiyo mushaharaadka ciidammada ay immaaraadku tababreen oo la sheegay in markii horeba lacagtasi loo waday.

Waxaana sidoo kale loogu baaqay dawladiisu inay qaboojiso hadallada ka dhanka ah Imaaraatka Carabta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here