Soonka Iyo Sixada (17): Caadooyin Cunto Oo Bisha Soonka Looga Faa’iidaysan Karo Miisaan Dhimista

57
3161

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo dad badani aaminsan yihiin in bisha soonka uu miisaanku dhaco, lagana yaabo in dadka qaar arkaanba miisaankooda oo hoos u dhacay, haddana xaqiiqada ay u badan tahay ayaa ah in miisaanku uu kordho bishan haddii aanu qofku xakamayn miisaankiisa, gaar ahaan waxa ay khatartu ku badan tahay dadka xilliga soonka ka hor waday dadaallada miisaan dhimista.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah caadooyinka cunto ee qaldan ee sababi kara in miisaanku kordho xilliga soonka.

Macmacaanka: In macmacaanka iyo xalwadaha la badsadaa waxa ay si degdeg ah u kordhisaa heerka macaanka dhiigga ku jira, kaddib waxaa xiga hoos u dhac haddana degdeg ah oo macaanka ku yimaadda, sidaa awgeed waxa ay qofka ku keentaa tamar darro iyo wahsi badan, taas oo sababta in qofku uu xiiseeyo in uu macaan dheeraad ah oo kale cuno, si uu tamartiisa u soo ceshado, haddii ay sii socotana waxa ay keentaa in qofku cunista macaanka qabatimo.

Waxaa fiican in qofku uu ku dadaalo cunista khudradaha dabiiciga ah si uu ugaga maarmo macmacaanka, gaar ahaan khudradda jidhka qoysa, ee biyaha badan leh, sida Cananaaska, xabxabka iwm. Waxa kale oo muhiim ah in qofku uu raaco aragtida ah 80/20 oo looga jeedo in boqolkiiba siddeetan cuntadu noqoto mid caafimaad ahaan loo eegay, labaatanka soo hadhayna cunto caadiya laga dhigo. Si looga fogaado cunista cuntooyinka aan caafimaadka u fiicnayn ama miisaanka kordhisa.

Afurka biyo badan cab: Biyaha oo aad mar keliya wada cabto (Qudhqudhisaa) waxa ay keentaa shoog ku dhaca habdhiska dheefshiidka. Sababtuna waa dheefshiidka oo soonkii dheeraa kaddib, aan weli u diyaarsanayn shaqadan. Ku dadaal in aad biyaha kabbashooyin yaryar ku cabto, cuntadana si yar yar caloosha u geliso, adiga oo weliba u qaybinaya dhowr qaybood oo aad cunistooda u dhexeysiiso waqtiyo yar, illaa ay calooshu shaqada si buuxda u wada bilowdo

In kasta oo ay biyaha badan ee afurka mar keliya la wada cabbaa dhibaato ku keenaan dheefshiidka, haddana waxaa muhiim ah oo dhicista miisaankana gacan ka geysan kara in qofku uu cabbo biyo aad u badan oo aan ka yarayn 3 litir waqtiga u dhexeeya afurka iyo suxuurta.

Cunista cuntooyinka shiilan: Cuntooyinka shiilani ma’ laha wax qiime nafaqo ah oo uu jidhku u baahan yahay; cuntooyinkaas waxwaa ka mid ah saambuusaha, quraaca, baradhada shiilan (Sida Jibiska) iwm. Cuntooyinkaas oo xilliga Ramadaanka aad loo cuno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here