Sida Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Aad U Qaaddo Culayska, Si Aanu Caafimaadkaaga U Dhaawacin

29
2858

Hargeysa (Geeska)- Hinjinta iyo kor u qaadista culaysku waxa ay ka mid tahay xaaladaha aynu sida maalinlaha ah ula kulanno, laakiin qaabka aynu u qaadaynaa waxa ay inta badan khatar gelisaa ama dhibaato ku keentaa caafimaadka dhabarkeenna. Sidaa awgeed mar kasta oo aynu shay culus qaadayno waxa aynu u baahannay feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah iyo in aynu raacno talooyinka ay arrintan ka bixiyaan dhakhaatiirta takhasuska ahi. Talooyinkaas oo aad raacdaa waxa ay kaa caawinayaan in aad iska ilaaliso xanuunnada khatarta ah ee dhabarka ku dhaca oo qallooca lafta dhabartu ka mid tahay.

Ulrich Kont oo ku xeeldheer jimicsiga jidhka ayaa ka digay khatarta uu sheegay in ay ku keento dhabarka culayska oo si qaldan uu qofku u qaado. Khatarahaas uu ka digay waxaa ka mid ah ricidhaha lafdhabartu ka smaaysantahay oo kala bax iyo qallooc keena iyo khatarta ah in ay is lisaan, haddii ay muddo dheer xaaladdaasi socotana ay keeni kartio in qallooc joogto ahi dhabarka ku yimaaddo taasina ay dhibaato ku keento dhaqdhaqaaqi qofka oo dhan.

Dhabarka toosi

Qodobka ugu muhiimsan ee ay tahay in uu raaco qof kasta oo wax culus qaadaya, sida baaldi biyo ahi, waa in uu dhabarkiisa marka hore qaab toosan ka dhigo, kaddibna isaga oo huba in aanu qallooc ku jirin dhabarka uu qaado shaygaas culus, arrintani waxa ay fududaynaysaa culayskii dhabarka ku dhici lahaa oo inta badan ah ka dhaawaca keena.

Michael Braepisch oo ku xeeldheer daweynta dabiiciga ah ayaa sheegay in qofku marka uu wax culus qaadayo ay sida ugu fiicani tahay in qofku uu ku dadaalo in culaysku uu ku dhaco muruqyada cagta ee aanu ku dhicin muruqa dhabarka, sida ay taasi ku suurtagelaysaana ay tahay in muruqyada caloosha iyo dhexda la adkeeyo, laguna dadaalo in si ku talogal ah uu qofku u neefsado (Sida neeftuurka aynu u naqaanno) marka uu culayska hinjinayo.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in qofku waxa culus aanu qaadin kelidii ee uu ku dadaalo in uu qaybiyo ama qof kale oo la qabta uu helo, si uu u dhawro caafimaadka dhabarkiisa.

Shandadda dhabarka

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku marka uu wax culus gacanta ku qaadayo ay fiican tahay in uu midigta iyo bidixda isu nasiyo oo aanu gacan keliya maanta oo dhan ku eegin.

Culayska kaddib nasi muruqyada

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in culayska kaddib uu qofku isticmaalo hababka kala duwan ee muruqyada; waxaa ka mid ah garabka oo qaab gool ah, hadba dhan loogu wareejiyo, iyo gacmaha iyo lugaha oo la lulo.

Si guudna waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku uu joogteeyo jimicsiga, gaar ahaan noocyada orodka, dabbaasha iyo baaskiil kaxaynta oo dhammaantood u fiican caafimaadka dhabarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here