Shirkadda Oppo Oo Soo Saartay Talefanno Leh Kamarad Xagga Hore Ah Oo Aan Ul U Baahnayn Iyo Khatarta Ay Ku Hayso Shirkadihii Hore Ugu Caan Baxay Smartphones Ka

0
641

Beijing (Geeska)- Shirkadda Oppo ee dalka Shiinaha oo sannadkii 2016-ka si xawli ah u qabsatay suuqyada iibka talefannada casriga ah, ayaa toddobaadkii hore shaaca ka qaadday in ay dhowaan suuqyada keeni doonto talefanno casriya oo cusub.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in talefannadeedan oo ay u bixisay F3 ay talefannada hore dunida uga jiray dheeryihiin kamaraddooda xagga hore oo ah mid aad u tayo sarraysa, looguna talogalay in ay sawirrada ugu quruxda badan qaadi karto iyada oo aan la adeegsan usha talefanka lagu xidho, si la isaga fogeeyo marka sawirrada afka Selfie loo yaqaan la iskaga qaadayo.

Warmurtiyeedka ay shirkadda Oppo arrintan kaga hadashay ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii shirkadda uu tartanka adagi ka dhexeeyo ee Xiaomi (Shaawimi) ay soo bandhigtay talefan casri ah oo ay u bixisay Mi6.

Dalka Shiinaha oo ay ku nool yihiin Hal Bilyan iyo 3 boqol oo Milyan oo qof oo isticmaala talefanka gacanta, ayaa dagaal adag kula jira sidii uu u xakamayn lahaa loollanka adag ee u dhexeeya shirkadaha talefannada gacanta sameeya ee dalka u dhashay iyo kuwa shisheeyaha oo dagaal ugu jira kala hororsashada macaamiisha.

Dhinaca kalana waxaa muddooyinkan dambe soo shaac baxaya in suuqyada talefannada casriga ahi aanay u xidhnaan doonin shirkadaha Apple iyo Samsung ama midhadhka waaweyn ee soo raaca, balse ay si xawli ah u soo kordhayaan shirkado soo saari kara talefanno la tayo ah kuwa ay sameeyaan shirkadahaasi, oo weliba dhinaca qiimahana ka hooseeya.

Waxaa hore suuqyada dunida ee talefannada casriga ah xoog u soo galay shirkadda Hawai ee talefannada samaysa oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo sannadkii hore ee 2016-ka heshay boqolkiiba 16.4 iibka suuqyada talefannada casriga ah, waxa aana soo raaca shirkaddan Oppo oo iyaduna qiimayn sannadkaas la sameeyey heshay boqolkiiba 15.5 iibka suuqyada tlaefannada casriga ah. Waxa se’ xusid mudan in shirkadda Oppo intii ka dambaysay qiimayntaas hore ay samaysay kor u kaca iyo tayeyn ay ku kasbatay suuq lagu qiyaasay in iibkiisu uu boqolkiiba 109 ka badan yahay inta uu ahaa sannadkaas hore.