“Shirka London Maaha Mid Somaliland Khuseeya, Ee Wuxuu Gaar U Yahay Soomaaliya”Wasiir Sacad Cali Shire

0
495

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ku dooday inaanu shirka London loogu qabanayo toddobaadkan dawladda Somaliya aanu khusayn Somaliland.

Wasiirka oo uu waraysi la yeeshay weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariye, wuxuu sheegay in shirku yahay mid u gaar ah Soomaaliya, “Shirkaasi waa shir loo baabulayo Soomaaliya, waxaana abaabulaya ingiriiska iyo Soomaaliya shir ina khuseeya runtii maaha, labada qodob ee ugu muhiimsan ee lagaga hadlayaa waa nabadda iyo horumarka dhaqaalaha, waanan u hambalyaynaynaa in gobalka wadamada ka mid ah oo Soomaaliya ka mid tahay lagu soo dabaalo nabad iyo horumarka oo Soomaaliya. Laakiin shirkaasi mid ina khuseeya maaha oo toos inoo khuseeya maaha” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka oo la weydiiyay in dawladda Ingiriisku la soo xidhiidhay ka dawlad ahaan wuxuu yidhi  “Sidaan sheegay waa shir Soomaaliya, shir Somaliland ah maaha , inshaalah marka mid Somaliand la qaban qaabiyo ayaan ka qayb geli doonaa, laakiin kan wakhtigan xaadirka ah maadaama oo loo qaban qaabiyay la inaguma martiqaadin inamana khuseeyo.”

Wasiirku oo la weydiiyay saamaynta uu shirkani ku yeelanayo Somaliland wuxuu yidhi “Shirka amuuraha lagaga hadlaya si toosa inooma khuseeyaan laakiin dabcan way ina saamaynaysaa, waxaan jecelnahay in Soomaaliya inay ka mid noqoto wadamada degen ee horumar sameeya, laakiin shirkani toos inooma khuseeyo, balse wixii magaca Somali lagu soo qaado dabcan dad ayaan nahay ku abtirsada markaas waan rajaynaynaa wixii inagaga soo beegma in la ina siiyo oo xaq baan u leenahay weliba in loo raaco qorshaha qaranka ee labaad ee hadda dhammaadka ah.”

Wasiirka waxa la weydiiyay siday isu qabanayaan inaanu shirku khusayn Somaliland iyo haddana inuu yidhaahdo wixii dhaqaale ah qaybtayada halana siiyo, waxaanu yidhi  “Shirkani waa shirkii shannaad, mid lagu qabtay  Brussels, mid Copenhagen ahaa, London oo mid lagu qabtay iyo mid lagu qabtay Istanbul, midna kamaynaan qayb gelin, kii Brussels qaybta Somaliland ayaan ku lahayn oo qaybta Somaliland ayaan ku lahayn, halkii aan kaas kaga lahayn imika mid inoo gaara ayaan dhammasytiraynaa waxaanan jecelnahay in kaas la raaco, waana kala jaad qaybta siyaasiga iyo dhaqaalaha. Laakiin waxa magaca Soomaali ee deeq ah loo bixiyo saamigeena ayaan ku leenahay.”