Maraykanka Oo Yareeyey Caawimadii Uu Siin Jiray Itoobiya Iyo Uganda, Soomaaliyana U Kordhiyey

0
568

Washington (Geeska)- Dalalka Itoobiya iyo Yugaandha ayaa noqonaya kuwa uu khasaaraha ugu weyni ka soo gaadhayo qorshaha uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku doonayo in uu yareeyo dhaqaalihii uu dalalka shisheeye ku siin jiray caawimada bani’aadamnimo iyo caawimada horumarinta, lacagtii hore ugu bixi jirtayna ku wareejinayo kaabista dhaqaalihiisa.

Shabakadda wararka ee East African oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aragtay dhukumanti ay leedahay Waaxda miisaaniyadda ee dalka Maraykanka, kaas oo ay ku caddahay in miisaaniyadda cusub ee Donald Trump ay boqolkiiba 30.8 ka jartay caawimadii guud ahaan ay bixin jirtay. Marka si gaar ah loo eego qaaradda Afrikana, miisaaniyadda cusubi waxa ay soo jeedinaysaa in 777.1 Milyan oo doolar ka jarto caawimadii la siin jiray.

Caawimada laga jarayo Afrika meelaha ay sida ugu daran u saamaynaysana waxaa ka mid ah, Itoobiya oo laga jari doono tirada ugu badan oo dhan 132.1 Milyan oo doolar, waxa ku xiga Yugaandha oo iyaduna waayi doonta 67.8 Milyan oo doolar,  Ruwaanda iyo Tansaaniya ayaa waayi doona 50.7 Milyan midkiiba, halka dalka Kenya laga jari doono caawimo gaadhaysa 11.78 Milyan oo doolar, dalka Koonfurta Suudaan waxa uu Maraykanku caawimadii uu siin jiray ka jarayaa 10.6 Milayn oo doolar, dalka Burundi isagana waxa uu ka jarayaa 9.4 Milyan oo doolar.

Laakiin Dalka Soomaaliya ee ay dalalka aynu tirinnay ku wada yaallaan Bariga Afrika ayaa ay Miisaaniyadda Cusub ee Maraykanku caddaynaysaa in caawimadii uu Maraykanku siin jiray la kordhinayo 36.1 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

In kasta oo la sheegay in kabkii horumarinta ahaa ee dalalkan bariga Afrika la siin jiray aan la jari doonin, gaar ahaan tii ay helayeen dalalka Koonfurta suudaan, Burundi iyo ururka Midowga Afrika oo urur ahaan loo caawiyo.  taas beddelkeedana looba kordhiyey dalalka qaar.

Maraykanku caawimooyinka uu bixiyo waxaa ka mid ah tan aynu ku magacownay ‘Kaabista horumarinta’ oo ah sanduuq uu ugu talagalay in lagu horumariyo dhaqaalaha iyo xasiloonida siyaasiga ah ee dalalka uu danaha Istaraatijiga ah ka leeyahay. Waxaa dhaqaalahan si gaar ah loogu isticmaali jiray barnaamijyada argagaxiso la dirirka uu Maraykanku ku magacaabo, horumarinta nidaamka cadaaladeed ee dalalkan iyo tababarro la siiyo shirkadaha iyo hay’adaha rayidka ah ee ku hawlan horumarinta dhaqaalaha.

Caawimada uu Maraykanku jaray ayaa la filayaa in ay culays ku keeni doonto barnaamijyada horumarineed ee ka socda dalalkan laga jaray caawimada, gaar ahaan Tansaaniya iyo Itoobiya oo sannad kasta waayi doona 96 Milyan oo doolar oo ahaa caawimo horumarineed.

Dalalka Burundi, Soomaaliya iyo Koonfurta suudaan iyaga Maraykanku ma siiyo caawimadal agu magacaabo horumarinta.