Sababta Shaadhadhka Ragga Badhamka Dhinaca Midigta Loogu Tolo, Dumarkana Dhinaca Bidixda. (Q.2)

0
714

1London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee uu ku soo xiganayo shabakadda Al-Carabiya ayaa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah sababta ay u kala duwanaadeen jihada badhanka lagu tolayo ee shaadhka ragga iyo dumarku.

4. Amarkii Napoleon: Waxaa jira taariikh yahanno aaminsan in sababta ay ku timid in shaadhka iyo maryaha laabta furan ee ragga midigta loogu sameeyo badhamadu ay tahay ku dayo laga qiyaas qaatay hoggaamiyihii awoodda badnaa ee dalka Faransiiska Napoleon Bonaparte. Waxaa la sheegaa in inta badan la arki jiray isaga oo gacantiisa midig gelinaya jaakeedkiisa gudihiisa, waana arrin aan suurtogelayn haddii aanay badhamadu dhinaca midig ku oollin.

Kadib waxaa soo baxday in raggu ku daydaan oo ay shaadhadhka iyo jaakadaha dhinaca midigta kaga toshaan badhamada. Napoleon oo ka hortegeya in dharka ragga iyo dumarku isku mid noqdaan ayaa soo saaray amar uu dawaarlayaasha ku farayo in dharka dumarka ay dhinaca bidixda badhamada kaga tolaan.

5. Dagaalka sinnaanshaha labada jinsi: Xilliyada ay soo baxeen dharka laabta furan ee badhamada u baahan in ay dumarku xidhaan, waxa ay ku soo beegantay xilliiyadii uu aad u xoogaystay dagaalka sinnaanshiyaha ragga iyo dumarku, sidaa awgeed dawaarlayaashii reer Yurub ee dharka dumarka tolayey waxa ay bilaabeen in ay dumarka u tolaan dhar la mid ah kuwa ragga ee ay ka mid yihiin saraawiisha iyo shaadhadhkuba, si kastaba ha ahaato ee waxaa qasab noqotay in si uun loo kala duwo dharka loogu talogalay ragga iyo kuwa dumarka, kala duwistaas ayaana keentay in shaadhadhka, koodhadhka iyo guud ahaan dharka laabta badhamada ku leh ee dumarka loogu talogalay badhamada lagaga tolo dhinaca bidix, si loo kala garto kuwa ragga.