“Raggu Waa In Aanay Cag Gelin Madbakha, Waa Waajib Taasi” Madaxweynaha Uganda Oo Dood Cusub Qarxiyey

36
3814

Kampala (Geeska)- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale dood iyo muran xooggan oo caalamiya abuuray, laakiin markan mawduuca uu ka hadlay waa mid la xidhiidha jinsiga iyo kaalinta ay ragga iyo dumarku ku kala leeyihiin nolosha qoyska.

Waxa uu sheegay in guud ahaanba aanay shaqada ragga ka mid ahayn in ay cuntada kariyaan, marka uu ninku guursadana ay waajib ku tahay in aanu abidkii gelin madbakha.

“Muddadii aanu wada joognay Maama Janet (Xaaskiisa) oo 45 sano ah, weligay cag ma gelin madbakha .. waa sidaa sida ay tahay in uu dhaqanku noqdo,” Sidaas ayaa uu madaxweyne Yuweri oo 74 sano jir ahi ku yidhi, dhalinyaro hal-abuurro ganacsi iyo maalgashadayaal ah oo uu kula kulmay magaalada Kampala. Madaxweyne Yoweri oo hadalkiisa sii wata ayaa ku soo halqabsaday halkudheg ku jira afka Runyankore oo macnaheedu yahay, “Madaxa qoysku abidkii Madbakha ma galo”

Hadalka madaxweyne Yoweri ayaa qayb ka ahaa muran ka taagan kala saarista kaalinta ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shaqaalaha rayidka ahi ku kala yeelanayaan maamulka dawladda gaar ahaan ilaha maaliyadda. “Sida keliya ee uu madaxweynuhu faraha ula geli karo barnaamijyada lacagta khuseeyaa, waa in ay dawladdu la socoto maamulka lacagta. Waa lacagtii dawladda” ayaa uu yidhi Madaxweyne Yoweri Museveni.

Hadalka madaxweyne Museveni uu ku sheegay in shaqada qoyska ee dumarku ay tahay kijada iyo in ay ninkeeda cuntada u diyaariso waxaa si aad ah uga cadhooday in badan oo ka mid ah dumarka. Waxa aana loo arkay in madaxweynuhu aanu aaminsanayn in gabadhu ay ka qayb qaadan karto nolosha kale ee bulshada iyo talada umadda. Winnie Byanyima oo ah gabadha agaasimaah guud u ah hay’adda caalamiga ah ee OXFAM ayaa ka mid ah dumarka dareenka cadhada leh kaga qaybqaatay doodda ka dhalatay hadalka madaxweynaha, “Hadalka madaxweyne Museveni niyadjab ayaa uu igu abuuray. Cunto karintu ma’aha shaqada gabadha. Waa xirfad nololeed. Dhammaan dadka oo rag iyo dumarba ku jiraan waa in ay wax kariyaan. Marka la leeyahay cunto karinta, nadaafadda iyo hawlaha kale ee guriga gudihiisa ha loo dhaafo dumarka, waa hab lagaga hor istaagayo in ay furad ta ragga la siman u helaan kor u qaadista dakhliyada, ama in ay siyaasadda ka shaqeeyaan” ayaa ay agaasimaha OXFAM ku tidhi farriin ay ku qortay barteeda Twitter ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here