Qofku Marka Uu Dhinto Hidde-Sidayaashiisa Qaarkood Ayaa Dhowr maalmood sii Shaqeeya Isaga Oo Mayd Ah

0
801

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey waxa ku dhaca jidhka bani’aadamka dhimashada kadib ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah hidde-sidayaasha aadamuhu ay ay marka uu qofku dhinto kadib shaqada sii wadaan dhowr maalmood, caddaymaha la helayna waxa ay tilmaamayaan in ka badan kun ka mid ah hidde-sidayaasha aadamuhu ay shaqada iska sii wataan dhowrkaa maalmood, halka tiro kale oo ka mid ahina ay si ishaqeeyaan 24 saac geerida kadib, sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa carriga Ingiriisku.

Khubaradu waxa ay ku sheegeen daraasaddan uu Geeska Afrika soo turjumay in hidde-sidayaashaa nolosha sii wata geerida kadib looga faa’idaysan karo siyaabo taban oo ay ka mid tahay in la tayeeyo beerista xubnaha dadka lagu beerayo.

Tijaabooyin lagu sameeyey xayawaannado ay ka mid yihiin jiir iyo noocyo kalluun ka mid ah ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen hidde-sidayaasha sii shaqeeya geerida kadib ay u shaqeeyaan qaab minguuris (Nuskhad/Koobi) ah oo ay si ku meelgaadh ah awaamirta uga qaadanayaan Asiidhada Amiino RNA.

Waxaa cilmibaadhistan marag u noqon kara laba cilmibaadhisood oo kale oo iyagana uu bishan faafiyey degelka internetka ee Biorxiv, kuwaas oo sheegaya in Hidde-sidayaasha xayawaanka badankoodu saacad badhkeed sii shaqeeyaan dhimashada kadib, halka ka jiraan kuwo iyagu 24 illaa 48 saac kadib sii shaqayn kara.

Waxaa xusid mudan in jidhka aadamuhu xilliga nolosha, tamartiisa badankeeda u isticmaalo ilaalinta shaqada iyo firfircoonida asiidka DNA iyo nidaamintiisa, Saynisyahanno badan ayaana muddo dheer aaminsanaa in qofku isla marka uu dhinto ay istaagaan dhammaan asiidhadaasi maadaama oo ishii tamarta ay ka helayeen ay go’ayso.