Qodobbo Saamayn Ku Leh Awoodda Dab-Haynta Baytariga Kombiyuutarka Gacanta

0
1059

Washington (Geeska)- Haddii aynu in yar xusuusta dib ugu celinno sannadkii 1995-kii, waxa aynu xasuusanaynaa in kombiyuutarka gacantu (Laptop) uu aaad u fool xumaa qaab ahaan, miisaankiisuna cuslaa, sida oo kale qiimaha lagu iibiyaana aad u sarreeyey. Kombiyuutar gacmeed oo aad u ballaadhan, culus, qaadkiisuna yahay MB-yo halka inta GB la dhaafay, loo gudbay TB-yo (Terabyte) oo halkii TB u ka badan yahay 100 kun oo GB ayaa ay dadka lacagta lihi ku bixin jireen lacago aad u badan.

Si kastaba ha ahaato ee dabeecadda Tiknoolajiyadda ayaa ay tahay in xawaare aad u sarreeya ay ugu socoto dhinaca isbeddelka iyo casriyeynta, waxa aanay maraysaa maanta in kombiyuutarkii gacantu uu noqdo khafiif aad ah, aad u qaad weyn, isla markaana si fudud oo aad u dheeraynaysa shaqadiisa u qabanaya, waxaa intaas dheer kala duwanaanta iyo quruxda uu mid kastaa ka kale dheer yahay oo maalin kasta soo kordhaysa.

Marka aad dooranayso ha ku dooran qurux ama qiimo ee ku dooro shaqada aad u isticmaalayso

Shaqooyin kala duwan ayaa aynu u isticmaalnaa kombiyuutarka. Sidaa awgeed marka aad Laptop iibsanayso waa in aad marka koowaadba jawaab u haysaa waxa aad u isticmaalayso. Ma in aad filimo iyo fiidyowyo ku daawataa, ma in aad ciyaaro ku shubataa (Games), ma in aad hawlo xafiis ku qabsataaa, taas oo u badan qoraallo, ma in aad farsamo ahaan u isticmaashaa, sida barnaamijyada samayntooda, ma in aad internet ka uun ka gashaa, mise waa inta aynu sheegnayba.

Su’aasha labaat ee in aad is weydiiso jeebkaagu intee uu jarayaa dhaqaale ahaan? Waayo lacagta aad ugu talagashay in aad kombiyuutar ku iibsataa waa tan go’aaminaysa nooca kombiyuutar ee aad iibsanayso.

Marka ad labadaa su’aalood jawaabtooda hesho. Tallaabada xigtaa waa in aad raadiso kombiyuutarka ugu fician marka ee ay goyn karto lacagta aad haysataa, waana qodobka ugu muhiimsan.

Cimriga Bayteriga

Maadaama oo muhiimadda koowaad ee Laptop loo qaadanayaa ay tahay guurguurista iyo qaadashada waxaa muhiim ah in aad niyadda ku hayso in Baytariga iyo tayadiisu ay muhiim tahay. Waxa aad si gaar ah u eegtaa saacadaha ay shirkadda Bayteriga samaysay ugu talogashay in uu ku shaqeeyo dabka halkii mar laga buuxiyo, adiga oo niyaddana ku haya in saacadaha ay shirkaddu sheegtay uu mar kasta ka yaraysanayo. Waxa aad ogaataa in dhumucda shaashadda Laptop ka aad qaadanayso, iyo waxyaabaha uu ka samaysan yahay, sida Processor ka, iyo graphics processor

processor and graphics processor.

Dhumucda

In Laptop ku cuslaadaa waxa ay meesha ka saaraysaa ujeedadii koowaad ee marka horeba Laptop loogu baahnaa oo ah qaadista iyo la guurguuristu in ay fududaato. Waxa se aad ogaataa in mar kasta oo hawlgudashada kombiyuutarkaagu sii casriyowdo siina badato dabka uu u baahanayaana in uu sii kordhayo. Sida oo kale waxa aad kombiyuutarka u isticmaalaysaa waxa ay saamayn ku leedahay baytarigiisa.

Dhinaca kalana mar kasta oo unugyada Pixel ee shaashadda Kombiyuutarkaagu ku soo saarayso sawirradu mar kasta oo ay sii casriyoowdo siina badato in muuqaallada quruxda badan ee ka soo baxaya ay ku lammaantay awoodda kaydka korontada ee baytarigaaga oo hoos u sii dhacda.