Qaza: Carruur La Xasuuqay, Xamaas Oo Diyaarad Soo Ridday Iyo Hal Milyan Oo Yuhuud Ah Oo Gabbood La Geeyey

0
669

wasiirHargeysa (Geeska)-  Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Tunisia Rafiiq Cabdisalaam oo sabtidii shalay booqday magaalada Qaza ayaa si adag u cambaareeyey weerarrada arxan darrada ah ee ay Yuhuuddu ku hayso Falastiiniyiinta Qaza, waxa aanu bulshada caalamka ugu baaqay in dhaqso looga hawlgalo sidii Israel loogu qasbi lahaa in ay joojiso gardarrada. Dhinaca kalana waxaa weli sii socda weerarrada cirka ee ay Israel ku qaadaysay magaalada Qaza, waxaana kuwii u dambeeyey ee sabtidii shalay ku geeriyooday 18 Falastiiniyiin rayid u badan ah, taas oo tirada guud ee Falastiiniyiinta ku dhintay weerarrada Israel ay Qaza ku waday tan iyo arbacadii 14 Noofambar 2012ka ka dhigaysa 30 ruux oo ay ku jiraan tobaneeyo carruur ah oo la sheegay in ay da’doodu ka yar tahay hal sano, halka dhaawacuna uu ka marayo 280 ruux oo rayid, carruur badani ku jirto ah. Goobaha shalay ay Israel weerartay waxaa ka mid ahaa qasriga golaha xukuumadda dawladda Xamaas  oo ay dhulka la simeen diyaaradaha Israel. Ururka Xamaas ayaa isna dhankiisa shalay ka sheegay in uu dhulka soo dhigay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel ee habeen hore soo weeraray magaalada Qaza.

Heeganka Israel:

Golaha xukuumadda Yuhuudda ayaa galabnimadii jimce isku waafaqay in degdeg xeryahooda ay isaga soo xaadiriyaan 75 kun oo ka mid ah askarta kaydka ah ee Israel, askartaas oo ka qayb qaadan doonaa haddii ay Israel ku adkaysato damaceeda ah in ay weerar dhulka ah ku qaadda Marina Qaza ee Falastiiniyiinta. Dagaalka dhulka ee ay Israel qorshaynayso in ay ku gasho Qaza oo ay ugu magac dartay mid ka mid ah dagaallada diiniga ah ee uu kitaabka diinta Yuhuuddu qorayo in ay hore u gashay Yuhuuddu oo ah “Tiirka Daruuraha”

Dhanka kalana Israel oo inta ay qiratay ay diyaaradahooda dagaalku Qaza tan iyo arbacadii ku qaadeen 600 oo weerar ayaa ku andacoonaysa in ay burburisay fadhiisinnadii ay kooxaha wax-iska-caabbinta Falastiin ka soo ridayeen gantaalaha. Dadka goob joogga ah ayaa iyaguna sheegaya in Israel uu ka socdo dhaqdhaqaaq aad u badan oo milateri, iyada oo la arkayo ciidamo iyo hub ay Israel soo dhoobayso xuduudka ay la wadaagto Marinka Qaza. Dadka arrimaha milateriga lafo-gura ayaa aaminsan in Israel ay ku qasbanaan doonto in ay Qaza weerar culus ku ekaysiiso, waa haddii ay doonayso inay soo ceshato haybaddeeda ku luntay gantaalaha Xamaas ee jiidhay difaaca cirka ee magaalooyinka Tel Aviv iyo Quds. Dagaalka labaad ee ay Israel ku aar goosan doonto ayaa la filayaa in uu noqdo weerarro cirka ah oo ay khaarijiso hoggaamiyeyaasha sare ee Falastiiniyiinta gaar ahaan kuwa Xamaas iyo ururrada kale ee wax-iska-caabbinta. Iyada oo uu haddaba raysalwasaare ku xigeenka Yuhuudda Silvan Shalom ku hanjabay in ay suurtogal tahay in ay dilaan raysalwasaaraha dawladda Xamaas Ismaaciil Haniya.

Dareenka Israel ee Gantaalaha Fajr5:

Wasiirka dagaalka ee Yuhuudda Ehud Barak ayaa xaqiijiyey in gantaalo ay kooxaha wax-iska-caabbintu leeyihiin oo soo gaadha deegaanka Tel Aviv ay tahay arrin markii ugu horraysay dhacday. Ehud Barak oo si cad u muujiyey dareenka cabsida leh ee ay dadkiisu ka qabaan gantaalahan ayaa ku adkaystay in ay yihiin marxalad cusub oo colaad sii hurin ah oo ay Falastiiniyiintu bilaabeen, “Waa in ay eedaan” ayuu yidhi Ehud Barak isaga oo la hadlaya Falastiiniyiinta. Gantaalaha Xamaas ayaa markii ugu horraysay gaadhay xarunta Israel ee Tel Aviv iyo magaalada Quds ee ay Yuhuuddu haysato, waxa aanay geysteen khasaare nafeed oo ay ku jiraan askar ay Israel sheegtay in gantaalaha Xamaas ka dhaawaceen in kasta oo aan weli si rasmi ah inta uu le’eg yahay loo ogeyn, maadaama oo ay Israel aad u qarinayso.

Waaxda difaaca madaniga ah ee Israel ayaa iyaduna muujisay cabsida ay ka qabto gantaalaha Xamaas, waxa aanay ugu baaqday dadkeeda deggen Quds iyo Tel Aviv in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo xilliyada maalintii ay ku dadaalaan in aanay ka soo bixin gabboodyo loogu talo galay in ay ka galaan gantaalaha.

Dagaal saddex toddobaad qaatay oo ay ciidamo ka badan 30 kun oo Yuhuud ahi ku galeen marinka Qaza bilihii Diisambar 2008da iyo Jeenaweri 2009ka ayaa geystay xasuuq aad u ballaadhan, waxaana dhibta xilligaa sii badiyey dadaallada lagu joojinayey xasuuqaa Falastiiniyiinta oo gaabis ka ahaa dhinaca Carabta iyo dunida kalaba, hoggaamiyihii xilligaas ee Masar Xusni Mubaarak ayaa isna xidhay xuduudka Qaza la wdaagto dalkiisa taas oo la aaminsan yahay in ay sii badisay khasaaraha Falastiiniyiinta oo waayey meel loo mariyo daawooyinka iyo irrid laga saaro dadka jilicsan ama dhaawaca ah, laakiin waxa ay u muuqataa in hadda aanay xaaladdu sidaa ahaan doonin, maadaama oo madaxweyne Mursi go’aansaday in uu furo xadka Qaza iyo Masar isla markaana kacdoonnadii gu’ga carabtu wax badan ay ka beddeleen siyaasadaha Carabta iyo dunidaba.

Cadhada dunida muslimka:

Bulshada Muslimka ah ee caalamka iyo dadyow badan oo ka soo horjeeda xad gudubyada Israel ayaa tan iyo arbacadii siyaabo kala duwan u cabbiray cadhada ay ka qabaan gumaadka ciidamada Yuhuuddu ay ku hayaan dadka Falastiiniyiinta ah ee aan waxba galabsan. Waxaana la filayaa in cadhadaasi ay sii xoogaysan doonto dalal badan oo carbeedna kacdoonno dadweyne ka sababi karto  haddii ay Israel ku sii socoto hawlgalladeeda milateri ee xad gudubka ah, arrintani waxa ay cabsi badan ku haysa madaxda dunida Carabta ee wadnaha farta kaga haya  in ay ku soo fidaan kacdoonnadii gu’ga Carabtu, sidoo kale Maraykanka oo aan jeclayn in uu sii xumaado xidhiidhka haddaba liita ee uu la leeyahay dunida muslimka ayaa qudhiisu doorbidayai n colaaddu halkaa ku joogsato. Madaxweyne Obama oo u muuqda in uu markan qaboojinayey cadhada ka dhalatay taageeradii indho la’aanta ahayd ee uu bilowgii rabshadahan u muujiyey Israel ayaa u muuqday in uu halkii hore ka soo dabcay, Obama mar uu talefanka kula hadlay raysalwasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu si siman u magacaabay in rabshadaha labada dhinac ay wadaan (Israel iyo kooxaha Falastiiniyiintu) ay khatar ku yihiin nabad guud oo gobolka ka aslaaxda. Raysalwasaarayaasha Ruushka iyo Talyaaniga ayaa iyaguna qaatay mawqifyo ku dhow kaa Maraykanka oo ay si siman ugula hadlayaan labada dhinac.

Dhinaca kale waxaa maalintii shalay oo dhan laga dareemayey magaalada Qaahira ee dalka Masar dhaqdhaqaaqyo ku aaddan joojinta rabshadaha Qaza iyo xidhiidho dublumaasiyadeed oo la jira Falastiiniyiinta. Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo shalay mar kale shalay ku celiyey ereyadiisii kululaa ee ka dhanka ahaa Israel oo ay ka mid ahaayeen, “Kuwa ku xad gudbaya Qaza waxa aan u sheegayaa in Masar-ta maantu aanay ahayn tii shalay” ayaa shalay kulamo arrinta Qaza la xidhiidha la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir xamad iyo raysalwasaaraha Turkiga Rajab oo labaduba arrimahan u tagay Masar.

Shuruudda Xamaas:

Muusa Abu Marsuuq oo ah ku xigeenka xoghayaha siyaasadda ee ururka Xamaas ayaa isna shalay shaaca ka qaaday in dhinacyo dhexdhexaad ah oo isku dayaya in ay hakiyaan rabshadaha Qaza iyo Israel ay u sheegeen in haddii la rabo in dagaalku joogsado ay tahay in marka hore ay Israel joojiso weerarrada oo ay iyadu bilowday. Taas oo laga qaatay faham ah in Xamaas ay diyaar u tahay in ay xabbad joojin ogolaato haddii ay Israel joojiso dagaalka.

Waxa kale oo hadallada Marsuuq astaan u yihiin kalsoonida ay Xamaas qabto oo markan u muuqata in ay ka badan tahay sidii ay ahaan jirtay saddex sano ka hor, waxa aanay dad badani arrintan u sibir saarayaan taageerada iyo garabka ugu yaraan diblumaasiyadeed ee ay Xamaas og tahay in ay ka helayso dunida Carabta iyo Muslimka oo markan sidii hore ka xooggan.