Guddoomiyaha Ururka RAYS Oo Sheegay Inuu Ku Qanci Doono Natiijada Doorashada Deegaanka

0
636

xasanHargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay inay u hogaansamayaan doorashada dalka dhacaysa 28-ka bishan, hadii la tuso qaab ay doorashadaas ugu qancaan, waxaanu  ku baaqay si waaqici ah  loogu dhawaaqo natiijada doorashada, iyada oo laga fogaanayo muran siyaasadeed oo dhaca.

Xasan Gaafaadhi oo u waramayay Telefiishanka HORN CABLE, ayaa sheegay in   uu soo dhaweynayo natiijada , haddii ay guddida doorashooyinku  ay u shaaciyaan si cadaalad ah, isla markaana  loo baahan yahay in la tixgeliyo  dhinacyada oo dhan“ Marka hore inta aan la qancin waa in lagu tusaa sida aad ku qanci lahayd, nidaamkaas ayaa ka horeeya , haa waanu u hogaansamaynaa natiijada doorashada” ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Gaafaadhi.

Waxa kale oo ka hadlay deegaamada   gobolada Bari dalka qaarkood oo la sheegay in  aanay doorashadu ka dhacayn, waxaana uu soo jeediyay in  doorashada laga qabto dhulka nabad ah  ee aanay xasilooni darado ka jirin,iyada oo ay tahay shacabka dhamaantood ka qaybgalaan doorashada