Ururka Umadda Oo Sheegay In Masuuliyiin Iyo Murashixin Lagaga Xidhay Lascanod

0
562

umadaHargaysa( Geeska)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Umada Eng.Cabdirashiid Maxamed Cali, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in la xidh xidhay inta badan masuuliyiintoodii gobolka Sool ee ururka Umada.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee ururka Umada waxa uu sheegay in la xidh xoghayahii guud ee gobalkaas u joogay urur siyaasadeedka Umada Xasan Saleebaan, gudoomiye ku xigeenkii gobalkaas Maxamuud Saleebaan, laba murashax iyo masuuliyiin kale.

Waa uu sidan ku sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee urur siyaasadeedka Umadu shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xafiiska ururkaas, waxanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa lagu xidhay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool masuuliyiintii ururka Umada gobalkaas uga hawlgali jirtay, waxa masuuliyiintaas kamid ah xoghayaha gobalka Xasan Saleebaan, gudoomiye ku xigeenka gobalka Maxamuud Saleebaan Warsame, Masuul Cali iyo laba musharax oo kale.” Egn.Cabdirashiid isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanu hore warbaahinta u marinay oo gudida anshaxuna ka hadashay in ururka Umada lagu hayo xadhig iyo caga juglayn, tanina runtii aad ayay uga daran tahay oo maanta gobolkaas cid ba lagama tagin.Waxaanu leenahay markaas  oo aan la socod siinaynaa bulshada  Somaliland ,gudida anshaxa, komishaka doorashooyinka,gudida diiwangalinta,golayaasha sharci dajinta, deeqbiyayaasha iyo cidii danaysa Somaliland dimuqraadiyadeeda inay tahay gaf, xadgudub in lagu xadgudbay shuruucdii dalka u taalay ururkana si gaar ah loo bartilmaameedsaday, anaga oo aad iyo aad arimhaas uga xun waxaanu leenahay hadaan arimahaas laga waantoobin waxay salka ku haysaa waa dhibaato uun iyo bulshada oo isku dhacda iyo jiritaankii dalkan oo lagu xadgudbaayo.”

Wuxuu hadalkiisa ku daray “Gudida anashaxu hore ayay uga hadashay,waxaanad mooda halkay islahaayeen wax ku saxa in lagu soo carigsanaayo, waxaana ka rajaynaynaa inay culays intaas ka badan iyo awooda dastuuriga ah ee aad leedahiin inaad isticmaali doontaan dalkuna gurmad buu u baahan yahay, ururkan Umaduna bartilmaameed ayuu  noqday. Cida bartilmaameedsatay waxaanu u sheegaynaa hadii beel lagu bartilmaameedsaday waa urur qaran, hadii shaqsi lagu bartilmaameedsanayana shaqsi malaha ee muwaadiniin ayaa ku midoobay oo dhistay, waxaanu aad iyo aad uga digaynaa in laga waantoobo dhibaatadaas ururka Umadda lagu hayo  in dadku u sinaadaan tartanka la galaayo.”

Xadhigan loo gaystay masuuliyiinta iyo musharaxiinta urur siyaaseedka Umada ayaa imanaya iyada oo dhawaan ay gudida anshaxu ka digtay talaabooyinka noocan oo kale ah ee ay qaadayso xukuumadu.