Qalinkaa Wax Suureeya 5

1
1281

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir 

 

Garaadka

Xubin walba oo ka mid ah xubnaha qofku ka kooban yahay waxay qabataa hawl aad muhiim u ah, ma dhacdo sida badan in xubin kale wakiil uga noqoto, xubnahaas marka ay isku daraan wax qabadkooda ayey soo saaraan qof wax ku ool ah, si hadaba xubnahaasi ay u gutaan waajibkooda waxa ay u baahan yihiin korin, xanaaneyn iyo xurmeyn joogto ah, taas waxa ka dhalanaaya in ay awood tilmaaman u yeeshaan gudashada xilka saaran, una dhabar adeygaan hagardaamooyinka iyo hantaaqaha wakhti walba ka hor imanaaya.

 

Hadaba, waxa jira dhowr baahiyood oo ay wadaagaan  dhammaan xubnaha jidhku si isku mid ahna u dareemaan, waxa ugu muhiimsan caafimaadka iyo cuntada, kuwaas oo ka dhiga in ay diyaar u noqdaan sidii ay u fulin lahaayeen hawlgal waxtar u ah qofka, waxaase mudan inaan is waydiino halka ay xubnahaasi ka helayaan tilmaamaha ay fulinayaan.

 

MASKAXDU waa qayb ka mid ah qofka, waxa ay qaabilsan tahay hawl qaybaha kale aanay ku kici karin, odhaahda maskaxdu waa mid tilmaameysa xubintaas magaceeda, haddiise aan ugu magac bixino shaqadeeda waxa aan ku magacaabi karnaa GARAAD, natiijada ka dhalatana waxa lagu magacaabaa GARASHO.

 

GARAADKU waa waxa dadku kaga soocan yahay noolaha dhammaantii, isaga la’aantii hab dhaca nololeed ee suuban ma jireen, waxa uu tilmaan u yahay legdenta togan ee lagu maareeyo suuldaarooyinka nolosha, waxa uu ku gaadhsiiyaa inaad adiga oo aan kahasho iyo catow sameyn aad xal u raadiso mushkiladaha kaa hor imanaaya, waana waxa keliya ee hanta isuna miisaama baahida isku liddiga ah ee tilmaanta u ah abuurka garaadka leh.

 

Waxa laga yaabaa qofku inuu maalintii wakhtiyo badan ku mashquulo sidii uu u dabooli lahaa baahida qaybo ka mid ah xubnaha jidhkiisa, waxaana laga yaabaa inuu isku hawlo inuu gaadhsiiyo heer uu ku haqab tiro, tusaale ahaan, imisa goor ayaa dhici kartaa inuu qof tilmaamo in calooshiisu u dhawaaqayso?!!!… waxa taas ka sii muhiimsan marka uu rabo inuu ka jawaabo yeedhmadaas ma uga jawaaba si garasho leh? Ma is waydiiyaa su’aalo muhiim u ah jawaabta dareenkaas? Taas waxa la mid ah dhawaaqyada ka imanaaya qaybaha kale ee qofku ka kooban yahay.

 

Hadaba, bal inta aan ka soo jeesano mashquulka hadda aan ku jirno jawaab ma u heli karnaa su’aalaha ah; garaadku imisa jeer ayuu inoogu baqaa in uu koritaan u baahan yahay? Si joogto ah ma u dereenaa in maskaxdeenu u jeellan tahay tayeyn? Nolosheena ma waxa haga garaadkeena mise dareenkeena aan ku dhisnayn garaadka? Ma garanaynaa waxyaabaha kobciya shaqada maskaxda ee kor u qaada garashada? Aqoonta ma waxaan u baranaa in aan dhaqaale ku raadino mise in aan garaadka ku korino dhibaatooyinka noloshana xal ugu raadino?

 

Haddii aan si miyar qabta u eegno su’aalahaas waxa aan garan karnaa in maskaxdu tahay hawlbowalaha ugu muhiimsan qofka, shaqada ay qabanaysaana abuurto garaad aasaas u noqda garasho, waxayna u baahan tahay si looga faa’iideeyo in laga haqab tiro aqoon, taasoo kobcinaysa garashada ku hagaysa qofka inuu ka adkaado culeysyada nolosha ee ka hor imanaaya, kuna guuleysto aasaaska qoys garasho ku dhisan kuwaas oo gundhig u noqon kara qaran garaad leh.

 

Marka aad qiimeyso maanta bulshada aad ka midka tahay heer qof, qoys iyo qaran ma odhan kartaa waa bulsho ka faa’iideysatay garaadkeedii qofnimo iyo midkii qaran-nimo si ku haboon?, jawaabta su’aashaas waxa aan filayaa in si fudud aad uga arki karto xaaladaha siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale, aqooneed, … waa mid ina tusaysa in jiheeyuhu aanu weli inoogu beegmin himiladii aan hankeena ku qancin lahayn iyo higsigii aan u xusul duubi lahayn gaadhitaankiisa.

 

Qofka, qoyska iyo qaranku waxay noqdaan kuwo jira marka ay daryeelaan garaadkooda, koriyaan garashadooda, iyaga oo aasaas iyo sal uga dhigaaya iimaankooda, markaas ayey noqon karaan kuwo facoodu ixtiraamo, kuwo aan lagu degdegin daandaasigooda, kuwo mug laxaad leh ka qaata horumarka qiimahooda iyo hirgelinta damacooga.

 

Waxa keliya ee garaadka lagu koriyaa waa AQOON, aqoontaas waxa nuur iyo iftiin u ah IIMAAN.

 

 

 

qsuureeya@live.com

  

Comments are closed.