Microsoft Oo Ugu Dambayn Ogolaatay In Mobile-Ka Android Ku Shaqeeya Lagu xidhi Karo Laptop Ka Windows

0
870

Washington (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa shaaca ka qaadday in ay soo saartay barnamaamijka Windows 10 oo lagu daray adeeg cusub oo dadka isticmaala talefannada gacanta iyo qalabka kale ee ku shaqeeya barnaamijka Android u ogolaanaya in ay ku xidhi karaan kombiyuutarrada ku shaqeeye windows 10 iyada oo looga baahan yahay keliya in ay barnaamij is fahamsiinaya labada mishiin la soo degaan.

Shirkadda Microsoft ayaa tan iyo markii ay soo saartay barnamaijka cusub ee Windows 10 waxa ay si joogto ah dib u cusboonaysiin iyo kordhin ugu samaysaa adeegyada kala duwan ee uu qaban karo, taas oo ay dad badani u fasirteen in ay shirkaddu doonayso in hadda kadib uu barnaamijkani noqdo kii u dambeeyey ee ay u isticmaasho ka shaqaysiinta Kombiyuutarrada, wixii hadda ka dambeeyana aan sidii hore u dhici jirtay la beddelin ee keliya si joogto ah kan uun loo casriyeeyo, si loo waafajiyo hadba baahida taagan.

Iyada oo uu tartan adagi ka dhexeeyo shirkadda Windows oo iyadu caan ku ah barnaamijyada ka shaqaysiiyo Kombiyuutarka iyo shirkadaha Google oo soo saarta barnaamijka Android ee talefannada iyo qalabka la mid ka ah ka shaqaysiiyoa iyo shirkadda Apple oo soo saarta IOS oo ka shaqaysiiya talefannada iyo kombiyuutarrada isla shirkaddoodu soo saarto, ayaa ay tani noqonaysaa tallaabo hor leh oo ay shirkadda Microsoft kaga hormarayso labada kale, maadaama oo soo saarista barnaamijkan cusubi u sahli doono in ay dadka isticmaala barnaamijyada shirkadahaasi intii hore uga soo dhowaadaan.