Madaxweyne Erdogan Oo Lagu Eedeeyey In Uu Sito Shahaado Jaamacadeed Oo Been- Abuur

0
565

1Istanbul (Geeska)- Muddo dheer oo bar-kulannada bulshada ee internet ka iyo warbaahinta mucaaradka dalka Turkiga la isla dhex marayey war sheegaya in shahaadada jaamacadda ee uu sito madaxweynaha dalka Turkiga Rajib Dayib Erdogan ay thaya been-abuur oo aanu jaamacaddaas ka bixin, kadib ayaa jaamacadda Marmarah oo ah jaamacad dawladdu leedahay waxa ay jimcihii soo saartay war-murtiyeed aad u dheer oo ay kaga jawaabayso dhammaan eedahaas been-buuridda shahadada Bachelor ta ah ee madaxweyne Erdogan, oo uu kuliyadda ganacsiga ee jaamacaddan ka qaatay sannadkii 1981kii.

Dr. Maxamed Amiin Araat oo ah madaxweynaha jaamacadda ayaa warmurtiyeedkan lagu faafiyey bogga internet ka ee jaamacadda ku sheegay in xogta la isla dhex wareegayo ee sheegaysa in ay been abuur tahay shahaadada Bachelor ta ee Erdogan, “Ma cuskanayso wax xujo sharci ah, mana soo xiganayo cid arsmi ah ama taariikh cad” Isaga oo intaas ku sii daray in Erdogan uu ka qalinjebiyey kulliyadda dhaqaalaha iyo cilmiga maamulka oo xilligaas loo yaqaannay kuliyadda dhaqaalaha iyo cilmiga ganacsiga.

Dr. Aaraat waxa uu qoraalkiisan ku yidhi, “Erdogan sannadkii 1974kii ayaa uu ku guulaystay kursiga jaamacadda Marmara kadib markii uu ku gudbay imtixaankii aqbalaadda jaamacadaha Turkiga, sidaas ayaa aanu ku galay jaamacadda” Isaga oo caddeeyey in madaxweynaha Turkigu uu muddo Afar sano ah waxbarashada jaamacadda aday, lambarkiisa rasmiga ah ee jaamacadduna ahaa 2443, isla markaana uu si guul ah u gudbay imtixaanka 41 Koorso oo afartaa sano lagu qaadanayey jaamacadda.

Kuliyadda ku qoran shahaadada Erdogan oo ah kuliyadda Dhaqaalaha iyo cilmiga maamulka lama samayn sannadkii 1981kii oo uu qalin jebiyey Erdogan, waxa aana xilligaas jiray kuliyad magac kale leh, taas ayaana keentay shakiga ah in Erdogan sito shahaado been abuur ah, laakiin maamulka jaamacaddu waxa uu soo bandhigay in kuliyaddaa uu ka baxay la baabi’iyey oo lagu daray jaamacadda Marmara, Erdogan na uu mar dambe samaystay shahaadadiisan oo ku soo baxday magaca cusub ee Marmara, sidaasna ay ku timid isweydaarku.

Waxa uu madaxweynaha jaamacaddu sheegay in aanay jirin wax qalad ah oo ku jira shahaadada Erdogan isaga iyo arday kale oo sidiisan oo kale magacaa hore ku qalin jebisay balse markii dambe shahaadada qaatayna loogu qoray magacan dambe iyada oo la hubiyey in heerka jaamacadda ee hadda iyo koorsooyinku is waafaqaan. Sidoo kale waxa uu sharraxay sababta shahaadadan Erdogan ee dambe loogu qori waayey magaca hormuudkii kuliyadda iyo guddoomiyaha, isaga oo sheegay in shahaadadan loo aqoonsaday shahaado dib loo soo saaray, sidaa awgeed maadaama oo aanay joogin madaxdaas hore aan mar labaad la saxeexin, balse lagu qoray uun magacyada masuuliyiintaas iyo xilalkooda oo halkii saxeexana la banneeyey.

Magaca jaamacadda iyo saxeexyadan maqan ayaa sabab u ah muranka muddada dheerba ka taagnaa saxnimada shahaadada madaxweyne Erdogan oo ay dadka mucaaradka ku ah xukunkiisu ay ka dhigteen mawduuc ay si joogto ah ugu xaqiraan.

Dhinaca kalana waxa uu madaxweynaha jaamacaddu warmurtiyeedkiisa ku sheegay in aanay arrintan ka hadhi doonin ee ay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah cid kasta oo uu galo tuhunka ah in ay xog been abuur ah oo qaldan ka bixisay shahaadadan oo sharciyan ka mid ah hantida jaamacadda iyo xuquuqda dadka ka qalin jebiyey.

Dadka madaxweyne Erdogan sida aadka ah ugu eedeeyey in shahaadadiisu been abuur tahay waxaa ka mid ah Yuusuf Halaatish Ooglo oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, oo ka mid ah xisbiga Dhaqdhaqaaqa waddaniga ah oo mucaarad ku ah xukuumadda Erdogan, sannadkii 2014kii ayaa Yuusuf farriin kooban oo uu ku qoray bartiisa Twitter ka waxa uu ku sheegay in faraqa dhinaca waqtiga eek u jira sannadkii uu qalin jebiyey Erdogan oo ahaa 1981kii iyo taariikhda kuliyaddaba la aasaasay oo ahayd sannadkii 1982kii uu shaki gelinayo saxnimada shahaadada jaamacadeed ee uu sito Erdogan.