Madaxweynaha Ruushka Oo Aqalka Madaxtooyada Dalkiisa Kubbad Kula Dhex Ciyaaray Madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA Iyo Sababta

31
2990

Moosko (Geeska)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta ee caalamiga ah Gianni Infantino ayaa kubbad ku dhex ciyaaray mid ka mid ah xafiisyada aqalka Krelmin ka ee looga taliyo dalka Ruushka, tallaabadaas oo qayb ka ahayd munaasabad uu Ruushku ku xusayey tirada 100 ka maalmood ah ee uga hadhay maalinta ay bilaabmayaan ciyaaraha kubadda cagta adduunka oo sannadkan 2018 ay martigelinayaan.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa bartiisa rasmiga ah ee shabakadda internet ka waxa uu ku faafiyey fiidyow laga arkayo tiro ka mid ah xiddiga kubadda cagta adduunka oo (Dhagi-dhagi) mid mid ugu ciyaaraha kubadda cagta ee ciyaaraha adduunka kalkan lagu ciyaari doono oo loo bixiyey Adidas Telstar 18. Fiidyowgan ayaa gebgabadiisa waxaa ka soo baxaya madaxweyneyaasha Ruushka iyo FIFA oo si xirfadi ka muuqato isugu tuurtuuraya kubaddan iyaga oo ku sugan mid ka mid ah xafiisyada aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin ka.

Ruushka ayaa markii ugu horreysay taariikhdiisa waxa uu martigelin doona ciyaaraha koobka adduunka ee kubadda cagta oo qabsoomi doona inta u dhexeysa 14ka bisha Lixaad illaa 25ka bisha toddobaad ee sannadkan 2018 ka.

Sannad kasta kubadd magac gaar ah iyo sumado u gaar ah leh ayaa lagu ciyaarahaa kulannada koobka adduunka ee kubadda cagta, sannadkanna waxaa lagu ciyaarayaa kubadda Adidas Telstar 18. Sida caadiga ahna waxaa kubadahan samayntooda iyo nashqaddooda iska kaashada FIFA iyo shirkadda qalabka ciyaaraha soo saarta ee Adidas oo tan iyo sannadkii 1970 kii ahayd shirkadda samaysa kubadda lagu ciyaarayo koobka adduunka, iyada oo lagu ixtiraamayo in ay shirkaddani samaysay kubaddii ugu horreysay ee FIFA ay ku qabato ciyaaraha koobka adduunka. Link kan ayaa akhristaha xiisaynaya in uu arko muuqaalka ciyaarta Putin iyo Infantino uu ka daawan karaa:

https://www.youtube.com/watch?v=qmEtnj4Af8w

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here